Somaliland: Isbarbardhigga Natiijada Doorashooyinka Golaha Wakiillada ee 2005 vs 2021 iyo Saami-qaybsiga Xisbiyada

Hargeysa (SLpost)- Bishii October sannadkii 2005-tii waxa Somaliland looga dareeray Doorashadii ugu horeysay ee Shacabku gacantooda ku soo doortaan Xildhibaannada ku metelaya Golaha Wakiillada Somaliland oo 82 mudane ka kooban, waxaana ka qayb-galay murashaxiin tiro badan oo metalyey lixda Gobol ee waaweyn, kuwas oo ka kala sharraxnaa saddexda Xisbiga ee UDUB, Kulmiye iyo UCID.

Labadii xisbi mucaarad ee Wakhtigaas oo kala ahaa UCID iyo Kulmiye, ayaa ku guulaystay aqlabiyadda Kuraasta Golaha Wakiillada iyagoo kala helay 21 UCID ah iyo Kulmiye oo helay 28 Kursi. Xisbigii talada dalka hayey ee wakhtigaas ee UDUB waxa uu helay 33 Kursi, sidaasna waxa ay xisbiyada mucaaradku ku haystaan 49 Kursi oo ka mid ah 82 kursi ee Golaha.

Labada Xisbi ayaa xilligaas samaystay isbahaysi siyaasadeed oo u suurto-galiyey inay hantaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, iyadoo guddoomiyaha Golaha uu qaatay Xisbiga UCID halka Xisbiga Kulmiye qaatay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxa loo doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo xilligan ah guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, halka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha loo doortay Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Dhanka kale, Doorashooyinka isku-sidkan ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo 31-kii bishii May 2021 looga dareeray Dalka, waxa aqlabiyadda kuraasta Golaha Wakiillada ku guulaystay labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI oo haysta 52 Kursi oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee loo doortay Golahaas. Xisbiga UCID ayaa helay 21 Kursi halka xisbiga WADDANI ku guulaystay 31 Kursi. Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa isaguna ku guulaystay 30 Kursi.

Haddaba, waxa aanu muuqaalka Hoose idinku soo gudbinaysaa shax laga sameeyey isbarbardhigga Saami-qaybsiga aqlabiyadda Xisbiyada Mucaaradka ee labada xilli-doorasho iyo tirada kuraasta ay ku kala guulaysteen oo shaxaysan.