Somaliland: Hindise Ardayda Dugsiyada Culuumta looga dhigayo Isku Xidhka Casriga ee Technogiyadda oo lagu guulaystay – WARBIXIN

UntitledJamhuuriyadda Somaliland oo 23-kii sannadood ee u dambeeyay ku naaloonaysa nabadgelyo iyo xasillooni cid kastaa isku haleyn karto, ayaa waxa ka socda horumar ballaadhan oo dhinacyo badan leh.

Dib-u-dhiska, nabadgalyada iyo hannaanka dawladnimo eek a hanno-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland muddadii ay ka madaxbannaanayd dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxa uu horseeday horumar dhinac walba leh oo maalinba maalinta ka dambaysa ku tallaabsanaysay, kuwaas oo ay ka mid tahay waxbarashada oo ka soo unkantay bilow ilaa heer jaamacadeed, koritaanka dhaqaalaha oo ku xidhan ganacsiga marba marka ka dambaysa sii horumaraya iyo weliba koboca dhinac kasta oo adeegyada bulshada iyo nolosha bulshada ah.

Arrintaasi waxay suurtogelisay in bulshooyinka kale ee dalalka la deriska ahina ku soo dhiirradaan inay hantidooda ku aamminaan oo ay qaarkood ka hirgeliyaan Jaamacado heerkooda waxbarasho sarreeyo. Tabaca bulshada gudaha ee Somaliland, waxa kale uu soo jiiday shacabkii Somaliland ee waddammada horumaray muddada dheer ku noolaa, waxaana dalka si joogta ah ugu soo laabanaya dad dhallinyaro u badan oo ku qalabaysan aqoon heer sarreysa oo ay ka soo barteen dalalkii ay dadkooda la noolaayeen iyo kuwo maalgelin dhaqaale ka hirgeliya. Waxaana dadka qurba-joogga ah ee dalka ku soo laabtay ay ku soo kordhinayaan horumar dhanka aqoonta ah, iyagoo niyadda ku haya inay dadkooda iyo dalkooda ku celiyaan aqoontii ay ka soo barteen dunida horumartay ee ay fursadda u heleen.

Dadkaasi waxa ka mid ah Eng. Axmed Maxamoud Cabdillaahi (Beergeel) oo ah muwaaddin dhallinyaro reer Somaliland ah, kaasoo muddo 17 sannadood ah ku noolaa dalka Kanada oo ka mid ah dalalka qaaradda Ameerika ugu qanisan.

Eng. Axmed oo haysta dhalashada dalka Kanada, waxa uu magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo qoyskoodu deggan yahay ku soo laabtay laba sannadood ka hor, isaga oo haysta shahaadada cilmiga injineernimada kombiyuutarka (Computer Engineering), isla markaana ah khabiir aqoon badan u leh tiknoolajiyadda casriga ah.

Eng. Axmed oo hamigiisu yahay inuu aqoonta uu soo bartay ku anfaco dalkiisa, waxa uu laba sannadood oo uu barashada dalkiisa ku mashquulsanaa kadib gudo-galay ka midho-dhalinta aqoontii uu soo bartay iyo sidii uu wax cusub ugu soo kordhin lahaa dalkiisa hooyo iyo dadkiisaba.

Eng. Axmed, tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday waxa uu ku aasaasay sharikadda la yidhaa PC-TEK oo qabata adeegyo badan oo badankoodu waddanka ku cusub yihiin, sida samaynta mareegaha ama shabakadaha (Website-yada) oo waqtiyadii hore shirkaddo dibedda ku yaal soo samayn jireen inta lacagta loo diro, balse immika adiga oo Hargeysa ama magaalooyinka kale ee dalka jooga si fudud laguugu samaynayo. La Socodka xaaladaha Mareegta laguu sameeyo oo la sixi karo wixii ka khaldama, halkii barigii hore dhibaato ay ka qabsan jirtay dadka. Cilad-saarida iyo shaqo kasta oo la xidhiidha qalabka casriga ah ee tiknoolajiga, gaar ahaan kombiyuutarada iyo isku xidhkooda.

Arrinta cajiibka ah ee uu Eng. Axmed ikhtiraacay ama curiyey intii uu dalka ku sugnaa, isla markaana uu ku guuleystay samaynteeda ayaa ah hirgelinta mareeg ama hab isku xidhaysa ardayda dugsiyada ama goobaha waxbarasho oo uu ugu magac-daray Online School System, kaasoo ah barnaamij suurtogelinaya in hal macallin si Online ah wax ugu dhigi karo arday tiro badan oo meelo kala duwan jooga.

Habkan oo ah mid ugub ku ah ama ku cusub heerka aqoonta ay bulshada Somaliland u leeyihiin adeegsiga isku xidhka khadadka tiknoolajiga, iyadoo la isticmaalayo kombiyuutaro, horena aan looga hirgelin dalka, waa adeeg u shaqaynaya sida mareegaha bulshadu ku xidhiidho oo kale sida Facebook iyo Twitter-ka, kaas oo leh Server ama khad u gaar ah oo ku shaqeynaya, iyadoo aan loo baahnayn internet, ammaankiisana la adkeeyay, si loo ilaaliyo xogta ku jirta ama looga dhowro waxyaabaha anshax-xumada ah ee tarbiyadda Ardayda wax yeelaya.

Eng. Axmed waxa uu sheegay inuu habka waxbarasho oo ah mid muhiim ah uu ugu talogalay ardayda dugsiyada dawladda Somaliland intaanu u gudbin waxbarashada gaarka loo leeyahay.

“Mareegtani waxay Ardayda Dugsiyada ka caawinaysaa inay wax ku bartaan qaab online ah, wax isku waydaarsadaan halkan, ama Macallin keliyi uu u dhigo Ardayda badan casharrada. Waxaanan hadda ugu talo-galnay Ardayda Dugsiyada sare ee dawladda oo qudha, anigoo eegaya baahida ay u qabaan helidda adeeggan waxbarasho.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Axmed oo Shabakadda wararka ee Gobanimonews waraysi siiyay.

Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi; “Hawshan waxaa igu kallifay markii aan arkay Ardayda Dugsiyada sare ee dawladda dhigtaa baahida ay u qabaan waxbarasho habka online-ka ah loogu dhigo, dabadeedna waxaan ka fikiray inaan habkan u sameeyo Ardayda si ay u helaan aqoon qof waliba awoodi karayo. Waxa kale oo igu kallifey waxaan doonayaa inaan dhalinyarada waxbaratay ku dhiirri-geliyo inay maskaxda ka shaqaysiiyaan oo hal-abuurnimo la yimaaddaan, si ay shaqo-abuur iyo wax cusub dalkooda ugu soo kordhiyaan.”

Eng. Axmed ayaa sheegay inuu hannaankan oo kale isaga laftigiisu wax ku soo bartay, jecel yahayna inuu bulshadiisa ugu faa’iideeyo, waxaanu yidhi; “Aniga Macallinkaygii Jaamacadda waxaannu fasalka isugu iman jirnay marka su’aalo aannu weydiinayno, inta kale waxaannu xiisadaha ka dhigan jirnay Website uu leeyahay oo uu ku shubay xiisadihii oo muuqaal ah. Markaa, aad bay u fududdahay in habkan wax lagu barto.”

Inkasta oo aanu Eng. Axmed wali hindisahan u bandhigin Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, haddana waxa uu sheegay inay qorshaha ugu jirto inuu sida ugu dhakhsaha badan sharraxaad uga siiyo nidaamka ay Mareegtani u shaqaynayso Wasaaradda. “Wali iimay suurto-gelin inaan Wasaaradda arrintan sharraxaad ka siiyo, waayo? Waxa igu adkaatay inaan la kulmo Wasiirka, balse waxaaan doonayaa inaan sharraxaad ka siiyo markay ii suurto-gasho.”

 

Muhiimadda uu leeyahay:

In ka badan boqolaal kun oo arday oo reer Somaliland ah, ayaa ka faa’iidaysan kara mar qudha haddii hindisahani guulaysto, kuwaasoo aan heli jirin meel ay si gaar ah uga naaqishaan baahiyahooda waxbarasho xilli kasta.

 

Sida uu sheegay Eng. Axmed waxa boggan lagu daabici doonaa ama lagu keydin doonaa Buugaagta Manhajka Waxbarashada Somaliland ee kala duwan, iyadoo maaddo walba iyadoo qoraal ah fasalkay doonto ha ahaatee kuwa Dugsiyada sare la soo gelin doono.

 

Mustaqbalka:

Ninka adeeggan cusub ikhtiraacay Eng. Axmed wuxuu sheegay inuu mustaqbalka ku rejo weynyahay inuu nidaamkan isku xidhka bahda waxbarashada ka hirgeliyo illaa xarumaha Jaamacadaha iyo goobaha kale ee u baahan ee dalka Somaliland oo dhan.

 

Tallaabadani waxay dhiirrigelin u noqonaysaa dhalinyarada reer Somaliland hadday dalka dibeddiisa wax ku soo barteen iyo hadday gudaha dalka wax ku barteen-ba inay sida Eng. Axmed oo kale ka faa’iideeyaan aqoontooda, isla markaana inta ay maskaxda ka shaqaysiiyaan curiyaan Barnaamijyo dalka iyo dadkaba wax weyn u noqon kara.