SOMALILAND: Hanti-dhowrka Guud oo Baadhitaanno ku samaynaya 16 Shirkado Waddani ah oo Heshiisyo kula jira Hay’adaha Dowladda

Hargeysa (SLpost)- Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Md Siciid Saleebaan Mire, ayaa shaaca ka qaaday  baadhitaanno lagu samaynayo 16 Shirkadood Oo Waddaniya oo la sheegay inay Heshiisyo Kala Duwan Kula Jiraan hay’adaha iyo Wasaaradaha Dowladda.

Hanti-dhowraha Guud oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC, waxa uu sheegay inay dib-u-eegis ku samaynayaan Heshiisyada shirkadahaas kula jiraan hay’adaha dowladda, kuwaas Dabagal iyo Baadhitaanno lagu samaynayo Nidaamyada iyo sharciyadda Heshiisyadaas.

HALKAN HOOSE KAGA BOGO WARAYSI UU MASUULKANI SIIYEY BBC

https://youtu.be/HoEmPUXk7qQ