Somaliland ha laga qaado afti dadweyne oo lagu kala dooranayo ”Qaranimo iyo Qabiil”

Waxa mahad iska leh Illaahay SW, amaanina waxay u sugnaatay nebigeena suuban ee Maxamed SCW. Waxaan salaamayaa dhammaan shacabka Somaliland dibad iyo gudaba, iyo dhamaan shabakadaha warbaahineed ee inoo saamaxay inaynu fikradeheenna isugu soo bandhigno mareegahooda si aynu u kala faaiideysano.
Akhristoow sida aan la wada socono Somaliland waxay jirsatay 21 sano oo ay gooni ka ahayd Soomaaliya inteedakale.Mudadaas 21 (2 decades) sano waxa ka jirey dowlado siday doonaan itaalkoodu ha ahaadee.
Xukuumaddii ugu horeysey ee Cabdiraxmaan Axmed Cali (AHUN) waxay ahayd xukuumaddii ugu nasiibka wacnayd,isla markaana ugu nasiibka xumayd. Waxay ugu nasiib wacnayd waxay la kowsatay Somaliland xor ah (Faqash free era). Waxay ugu nasiib xumayd waxay kusoo beegantay xilli kala guur,waxay ahayd xukuumad ay jabhadi dhashay, waxa sii qoyanaa dhiigii shacabka,waxa weli barooranayey agoomihii aabahood iyo hooyadood la xasuuqay,waxa weli asaydii sidey haweenkii (Widow) laga dhintay,waxa jirey xaalado cakiran oo is barkan sida dhaqaalo xumo,hoy la,aan,cunto la,aan, dawo la,aan,kala dambeyn la,aan iyo dhamaan adeegyadii bulshada oo meesha ka baxsanaa. Waxa soo baxay shaqsiyaad ka faaiideysanaya caqabadaha hor yaala xukuumadda curdinka ah,waxay dadkii geliyeen qabyaalad iyo kala qaybin,waxay kobciyeen is nacayb la dhex dhigo intii wada dhalatay ee isku deegaanka ahayd,si ay danahooda gurracan u gaaraan. Iyagoo ka faa,iideysanaya baahiyaha dadweynaha waxay tuseen dadka dhalanteed ah in la hagranayo balse ay xukuumaddii xalay dhalatay maantaba socon karto hadday daacad tahay. Taas oo ahayd propaganda xaqiiqada ka fog.
Sideedaba haddii laga soo doogo dagaal weyne waxa inta badan dhaca dagaalo yaryar oo goosgoos ah oo ay keento baahiyaha ka dhasha dagaalka ee laga soo doogay. Waxa iyana meesha ku jira dadka dagaalka ka qayb qaata oo barta dhiig daadinta,marka nabad la helana u hamuuma dhiig daadin kale, haddii aan si dhaqso ah looga masixin dhiigga ay gacanta la galeen, iyadoo lala xiriirsiiyo dhaqaatiir khibrad u leh amuurahaas iyo iyagoo la siiyo xoogay dhaqaale ah iyo nasasho muddo ah.
Cawaaqib xumada ka dhalatay baahiyahaas aan kor ku soo xusnay oo ay buunbuuniyeen shaqsiyaad shaadhadh qabyaaladeysan gashan ayaa saamaxey inay saqiirto xukuumaddii madaxweynihii ugu horeeyey Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (AHUN), marxuumku maadaama oo uu ahaa siyaasi, diblomaasi khibrad badan leh wuxuu doorbiday inuu jagadaas iskaga dego maadaama aan qabyaalad qaran lagu dhisi karin oo ay isku dab iyo patrool yihiin.
Waxa dhalatay xukuumaddii uu madaxweynaha ka noqday Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal (AHUN), waqtigan waxa sii xoogeysanayey dagaalo sokeeye, oo baahiyaha jiraa sabab u ahaayeen,waxa dhashay kala aamin ka bax beelaha soomaliland dhexdooda ah oo qolo kastaa u arkeysey in xukuumad kasta oo dhalataa ay Siyaad Barreysan tahay oo awoodda dowladeed lagu kala sadbursan doono laguna tagri fali doono,lana musuqmaasuqi doono dhaqaalaha samaysma, dad gaar ahna lagu naasnuujin doono.
Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal(AHUN) oo runtii ahaa ruug caddaa siyaasi ah wuxuu gartay halka sartu ka quruntay,wuxuu iska fogeeyey shaqsiyaadkii dabka hurinayay oo ay hormood ka ahaayeen saraakiishii meleteri ee jabhaddii SNM, kuwaas oo markii horeba ay ahayd in loo diro fasax(Holiday) si ay usoo nastaan. Waxa shacabkii loo sheegay in baalaxooftadii iyo kaadidaydaan usoo cabbey dhamaatay, waqtigii jabhadduna dhamaaday oo qorigii la dhigayqalina la qaatay, SNM-na dhashay Jamhuuriyadda Somaliland.Qaladka ugu weyn ee dhacayse wuxuu ahaa in awooddii saraakiisha meleteriga la fogeeyey lagu bedeley odey dhaqameedyo.(Odey dhaqameed iyo dowladnimo sidaan qabo isma qaban karaan).
Waxa la sameeyey dastuur lagu dhaqo jamhuuriyadda, waxa la nabadeeyey beelihii qaladka isku dagaalay,waxa la soo dhoweeyey lana hirgeliyey mashaariic horumarineed,waxa la dhiirigeliyey maalgashi muwaadin iyo ajaanibba, waxa dhidibada loo aasay siyaasaddii lagu dhaqmi lahaa mustaqbalka dhow(Near future) iyo kan fogba(Long term).
Waxa la furay habka axsaabta badan, iyadoo la tartansiiyey xisbiyo faro badan balse ay kasoo doogeen 3 xisbi qaran oo kala ahaa Udub,Kulmiye iyo Ucid.
Geeridii Marxuum Cigaal ka dib waxa hogaanka dalka si kumeel gaar ah u hantay kuxigeenkiisii Md. Daahir Rayaale Kaahin oo dalka gaarsiiyey ilaa inta doorasho ka dhacaysey. Waxa qabsoomay doorashooyinkii waxana jagadii madaxweynenimo ku guuleystay xisbigii Udub ee uu hogaaminayey Md.Daahir Rayaale Kaahin.
Mudadaas waxa qabsoomay doorashooyinkii golaha deegaanka,doorashooyinkii golaha baarlamaanka(Markii ugu horeysey ee toos loo soo doorto), waxa dalka dib ugu soo guryo noqday qaxooti badan oo dalka dibadda uga maqnaa oo ka kala yimid waddamada deriska iyo qaaradaha kale sida Yurub,Amerika iyo Carabaha.
Dadkaas soo guryo noqday waxay hantidoodii gashadeen dalkooda hooyo maadaama oo ay ka jirto nabadgelyo laysku halayn karo. Waxa isa soo taray u bislaanshaha nolol samaysi ay dadku iyagoon caawimo cidna ka sugin wax samaystaan, waxa ka suuray qabyaaladdii qaawaneyd ee suuqyada lala wareegayey, waxa la gartay dantii.
Doorashadii ugu dambeysey ee dalka ka dhacday waxa ku guuleystey Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo),wuxuuna noqday madaxwenihii ugu nasiibka wacnaa maadaama oo uu xilkan qabtay xilligii ugu haboonaa ama ugu wanaagsanaa ee Somaliland soomarto,xag siyaasadeed,dhaqaale,horumar,waxbarasho,caafimaad iyo gebi ahaanba arrimaha bulshada. Waxa madaxweynuhu ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, si taas loo helo waxa marag maddoon ah in qofka lagusoo xulo aqoon iyo khibrad uu u leeyahay hawsha loo igmanayo, balse jaaniskaas ama fursaddaas madaxweynaha lama siin ee beel waliba qof ay wataan ayay odayada beelaha metelaan soon qaddimeen, qoortana loo sudhay boodh ay ku qoran tahay haddaadan kan ka dhigin wasiir ama maareye odey dhaqameedku isagoo afka beesha ku hadlaya kalsoonida ayuu kaala noqonayaa mudane madaxweyne.
Waxa Hargeysa dhexdeeda lagaga dhawaaqay hadallo qaddiyadda Somaliland gooni-isu-taageedda kasoo horjeeda sida beesha Qansax xukuumadda iskama dhex aragto markaa Somaliland waan qaadacaynaa (salaamaad),waddankii lagu heshiiyey in maalgashi lagu samaysto in lakala sheegto,waxa soo cusboonaaday dagaalo dhinaca Buuhoodle ee gobolka Togdheer(salaamaad),dad jidgooyo loo sameeyey oo lagu xasuuqay dhinaca gobolada galbeedka,Gobolka cusub ee Saraar oo kacdoon ka sameeyey xadhiga boqor Buur Madow,odey dhaqmeedkooduna war saxaafadeed qabteen ay madaxweynaha ku amrayaan in boqorka sida ugu dhaqsaha badan si bilaa shuruud ah laguu soo daayo(Cajiib),soo tii dalku sharci samaystay, odey dhaqameedku sharciga miyaa ka sareeyaa. Dhowaan ayaa masuuliyiin hayey xil qaran loo taxaabay jeelka, iyadoo lala xiriirsiinayo arrimo la xiriira musuqnaasuq iyo duwasho hanti qaran, dad haween u badan ayaa mudaharaaday oo ku hanjabay in sida ugu dhaqsaha badan nimankaas loo soo daayo,maadaama bay yiraahdeen ay u codeeyeen Kulmiye oo ay sabab u ahaayeen in Siilaanyo noqodo madaxweyne(Macnuhu waa Silaanyoow ninkii ama gabadhii kuu codaysay hadday Somaliland dhinaca kale u rogeyso ha la hadlin) (Cajiib).
Waxa dhacaya oo dhan waxa aabo u ah waa qabyaalad, waxaan moodayey in laga guuray qabyaalad oo loo guurey qaranimo, balse waxataas calaamatul su,aal(Question mark) saaray ficilada soo noqnoqonaya ee ka socda Somaliland, sidaana meel lagu gaari maayo ee xukuumadda hadda jirtaa ha qaaddo AFTI shacabku ku kala dooranayaan inay qaran noqdaan iyo inay qabiil noqdaan.

Ummadyahay qabiilkiyo,
qaranimadu waa laba,
aan is qaadi karinoo,
weligood is qabaneyn.

Waxaan baaq u dirayaa odey dhaqmeedyadu inay ka waantoobaan baaqyada siyaasadeed ee ay ku kala fogeynayaan dadka wada dhashay ee isku dalka,diinta iyo danta ah, oo ay ku noqdaan dhaqankii iyo kala furdaaminta beelaha miyiga ee isku qabta biyaha iyo baadka. Degaamada Somaliland waxa golaha baarlamaanka ee lasoo doortay u metela xildhibaano ama mudanayaal, marka cabashooyinka jira si sharciga waafaqsan xildhibaanadooda ha ugu soo gudbiyaan (end of story), sidaasaana xalku ku jiraa. Ha la kala saaro dhaqan iyo siyaasad, taasi waxay keentay inay jiraan aqoonyahan badan oo dhibanayaal(victims) ah oo oday dhaqmeedku madaxa kaga taagan yahay, maadaama oo aanay kasoo bixi karin imtixaanka ah imisa jilib ayaa reerku u kala baxaa iyo ma taqaanaa inta tuulo ee reerku dego,ama maxaad ka haysaa gabayadii xilliyadii colaadaha ahliga ahaa reerku tiriyey ama loo tiriyey, marka xilka lagu saaro maxaad reerka u qaban doontaa imisa ayaad aniga (Oday dhaqameed) i siinaysaa? iwm.
Waxa dalka ka talisa xukuumad shacabku aqlabiyad kusoo doortay oo uu hogaamiyo ruugcaddaa siyaasiya oo usoo halgamey dadkan iyo dalkan marka ha lagu aamino oo faraha halooga qaado, beelaha Somaliland dega oo dhan wasiiro iyo maareeyayaal ma wada heli karaan,waxa ina deeqaa waa caddaalad ee dalka haloo wada adeego,waxyaabo badan oo xukuumadda laga sugayona shacabku iskood ha u qabsadeen, dalkana ha la wada ilaashado sidaas ayaana mid kasta oo inaga mid ah dantu ugu jirtaa.
Hadal yar,hawl badan iyo aqoon hufan ayaa horumar lagu gaaraa. SHARCI-ga ha loo hiiliyo si uu inoogu hiiliyo. Shaqsiga wax tabanaya haddii uu qaldan yahay iyo hadii laga qaldan yahayba waxa kala saari kara sharci si caddaalad iyo sinnaan ah loogu dhaqmo loona wada ilaashado.
Waddamada qurbaha ee aan ku noolnahay ma nalaga jecla maadaama oo aanaan la diin ahayn,la midab ahayn,dalka la dhisan,isku dhaqan ahayn, waxase inaga haya oo kala haga malaayiinkaas qof waa SHARCIGA.
Waxaan soo jeedin lahaa in jihada markabka la bedelo xagal 180 degree ah si aan ugu jihaysano dhinaca dekedda saxa ahi inaga xigto.Gacanta ha is qabsadaan aqoonyahanka ka fekeraya meesha fog ee isku aragtida ah, si loo badbaadiyo jiilasheenna dambe, maantana la daadiyo xabuubkii(seed) beerta jiilasheenna dambe midhaha ka guran lahaayeen.

Wabilaahi tawfiiq
Eng.Farhan Fagah Fagah
farhangacaliye@hotmail.com