Somaliland: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka badbaaday Isku-day Dil iyo Ciidamada Ammaanka oo faahfaahin ka bixiyey

Hargeysa (SLpost)- Ciidammadda Ammaanka ee Qaranka Somaliland ayaa maanta xarunta Maxkamadda sare ku qabtay sadex nin oo looga shakiyey inay qarxinayeen Maxkamadda sare ee Somaliland.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in sadexda nin ay Miino nooca qalinka ah dhigen xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda sare, taasoo ay ugu talo galeen inay ku qarxiyaan guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Guddoomiyaha maxkamadda sareSadexda nin ayey Booliisku qabteen isla markiiba, waxaana qalinkii Miinada ahaa qaaday ciidamadda Miino-saarka oo goobta soo gaadhay.

Haddaba, Taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay dhacdadan oo ay ku tilmaameen mid aanay waxba ka jirin. Afhayeenka Booliska Somaliland oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay inay jiraan saddex Nin oo Ciidanka Ammaanku Maxkamadda ka qabteen, kuwaasoo uu sheegay in looga shakiyey ama lagu tuhmay inay falal amni-darro maleegayeen, balse aanay jirin wax qarxa oo ay dhigeen Maxkamadda oo la qabtay.