Somaliland: Guddiga Wanaag-farista oo ka digay in dalka laga xuso Curashada Sannadaka Cusub ee Miilaadiga

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Wanaag-farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa ka digay in dalka laga sameeyo xaflado looga dabaal-degayo sanadka cusub ee Miilaadiga ee 2020-ka, kaasi oo Foodda innagu soo haya.

Guddigu waxay Xukuumadda Somaliland iyo ciidamada ammaanka ugu baaqeen in laga hor tago in aanay dhallinyaradu qabsan xaflado loogu dabaal-degayo sanadka cusub ee 2020-ka.

Xubno ka mid ah Guddigaasi oo uu wehelinayay guddoomiyaha guud ee guddigaasi sheekh Muuse Jaamac, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskoodda Magaaladda, ayaa waxay Bulshada kula dar-daarmay in dadka islaamka ah aanay u banaanayn in ay xusaan sanadka cusub ee Miilaadiga, isla markaana diinta islaamku ay dadka muslimiinta ah u banaysay in ay u dabaal-degaan labadda Ciiddood ee Adxa iyo Fidriga.

“Xiligan aan maalmaha soo socda gelaynaa, waa xili uu sanadkii Miilaadiga ahaa dhamaanayo, waxaan markaa ummada islaamka ah uga digaynaa, in aanay wax Ciid ahina inoogu jirin, wax farax ahina inoogu jirin, wax dabaal-deg ahina inoogu jirin, Innaga (Islaamka), Ciiddaheenu waa labadda Ciidood, ee ILLAAHAY SWT cibaado inooga dhigay, kuwaasi oo kala ah Ciiddal Adxaa iyo Ciiddul Fidri. Labadaas ciiddood ayay shareecadeena islaamku amartay, Ciid kale oo ILLAAHAY diintiisa inoogu soo dejiyay ma jirto”, sidaa waxa yidhi Sheekh Muuse Jaamac oo Guddiga ka tirsan

Sheekh Muuse Jaamac waxa uu bulshadda reer Somaliland gaar ahaana dhalinyarada ugu baaqay in aanay qabsan karin wax munaasibado ah oo loogu dabaal-degayo sanadka Miilaadiga ah, isla markaana aan Badaha loo tamashle tegi karin.

Sheekh Muuse waxa uu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in ay tallaabo ka qaado haddii ay bulshadu qaadan waayaan fariintooda.

@HCTV