SOMALILAND: Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyey Wakhtiga ay bilaabmayso Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Shirkadda ku Guulaystay Qardaraaska Diiwaangelinta

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa si rasmi ah u iclaamiyey wakhtiga loo qoondeeyey in dalka laga bilaabo diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ka qayb-galaya doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo lagu wado inay qabsoomaan labada sanno ee soo socda.

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka
Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Af-hayeenka Guddiga Doorashooyinka Somaliland Md Maxamed Axmed Geelle oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Komishanka Qaranka, ayaa ku dhawaaqay in bilowga Sannadka cusub dalka laga bilaabi doono Wacyigalinta Diiwaangalinta Codbixiyaasha oo Qandaraaskeeda uu sheegay in ay ku guuleysatay Shirkad Maraykan ah.

DHEGAYSO HADALKA AFHAYEENKA

 

SOMALILANDPOST.NET