SOMALILAND: Gabadh uu dhalay Wasiir hore iyo Laba Qof oo ku waxyeeloobay Weerar uu Fuliyey Nin Al-Shabaab looga shakiyey iyo Masuuliyiin ka hadashay

Badhan (SLpost)- Gabadh uu dhalay Wasiirul-dowlihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland iyo laba qof oo kale, ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen weerar nin hubaysan oo madaxa soo duubtay ku qaaday meherad ganacsi oo ku taalla tuulada Middigale oo qiyaastii 40 KM dhinaca Bari kaga beegan magaalada Badhan ee Xarunta gobolkaas.

Weerarka oo dhacay Salaaddii Maqrib kaddib fiidnimadii xalay, ayaa nin madaxa soo duubtay oo haystiisa la aqoonsan waayey waxa uu rasaas oodda kaga qaaday meherad dad badani ku sugnaayeen, waxaana halkaan dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen saddex qof oo ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa, balse waxa isla markiiba goobta ka baxsaday ninka weerarka fuliyey.

BadhanSaddexda Qof ee dhaawacyadu soo gaadheen, ayaa lagu kala sheegay Gabadh uu dhalay Wasiirul-dowlihii hore ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalla oo rasaas kaga dhacday Bowdada iyo Nin kale oo dhaawaciisu culus yahay, kaas oo la sheegay inuu ahaa Qof bartilmaameedka weerarku ku socday.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa weerarka ninkani ku dhaawacay saddexda qof, haseyeeshee masuuliyiin ka tirsan dowladda Somaliland oo Wargeyska Himilo u warramay xalay, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay ujeeddada weerarka, iyadoo qaarkood ku sheegeen aano-qabiil iyo aargoosi, isla markaana uu bartilmaameedku ahaa Nin Xaaladdiisa caafimaad culus tahay oo ka mid ah dadka dhaawacyadu soo gaadheen. Halka masuuliyiintan qaarkood ku xidhiidheen weerarka inay ka dmabeeyeen Kooxda Al-Shabaab oo fadhiisimo ku leh Buuraha Gal-gala ee maamul-goboleedka Puntland oo u dhow tuulada weerarku ka dhacay xalay oo masaafo dhow u jirta Xuduudka Somaliland la wadaagto dalkaasi Soomaaliya.

Isu-duwaha Xafiiska Horumarinta Gobolka Badhan Cabdikariim Maxamuud Xasan oo isagoo jooga magaalada Hargeysa khadka telefoonka ugu warramay weriye ka tirsan Himilo xalay, ayaa sheegay in laba qof oo midkood haweenay tahay dhaawacyo ka soo gaadheen weerarkaas, isagoo ninka weerarka fuliyey ku xidhiidhay kooxda Al-Shabaab ee fadhiisinkoodu yahay Buuraha Gal-gala ee maamul-goboleedka Puntland.

“Markii ay ahayd Bacda Afurkii caawa (xalay) nin madaxa ka duuban baa rasaas ku furay Qolo meel joogta tuulada Middigale, ninbuu ku dhuftay saddex xabbadood oo dhaawaciisu wuu culus yahay, gabadh uu dhalay wasiirul-dowlihii hore dhaawac baa soo gaadhay oo misigtay kaga dhacday, wiil yar oo kale waxyar baa gaadhay, laakiin dhaawacu waa labadaas qof,” Sidaas ayuu yidhi Isu-duwaha Horumarinta ee gobolka Badhan.

Isu-duwaha oo aanu weydiinnay Cidda lagu tuhmayo weerarka iyo inuu xidhiidh la leeyahya Aano-qabiil, waxa uu yidhi, “Ninka waxa u duubnaa madaxa, cid uu yahayna lama garanayo, meeshana waxa u dhow Buurta ay nimanku (Al-Shabaab) deggen yihiin, markaa waxa loo malaynayaa siday dadku igu yidhaahdeen, waxa loo malaynayaa Al-Shabaab inay yihiin.”

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Meeshu dhakhtar ma leh, markaa dadkana waxa loo soo qaadayaa dhinaca Badhan, waxaana dhici karta in xaggeenna (Hargeysa) loo soo gudbiyo.”

Dhinaca kale, Wasiirul-dowlihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalla oo gabadh uu dhalay ku dhaawacantay weerarkaas, ayaa Wargeyska Himilo uga warramay dhacdadaas iyo waxa uu ka ogyahay, waxaanu si la mid ah hadalka Isu-duwaha ku xidhiidhiyey weerarkaas Kooxda Al-Shabaabta Buuraha Gal-gala.

“Nin madaxa duuban ayaa raasaaseeyey dad joogay meel meherad ah, waxa dhaawacmay saddex qof, ninkiina wuu baxsaday oo lama qaban, lamana garanayo inay tahay aano qabiil, Qolada Al-Shabaab waa la sheegayaa, waayo meesha aad baa looga neceb yahay kooxdaas oo waa lala dagaalamaa, meeshana waxa deggen xer Ehlu sunne ah oo xarun ku leh,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalla oo xalay khadka tefoonka ugu warramay Wargeyska Himilo.

Cabdiraxmaan waxa uu tiradaba dadka weerarka ku dhaawacmay ku sheegay saddex qof oo laba ka mid ahi Haween yihiin, “Saddexda qof, laba ka mid ahi waa dumar oo gabadh aan dhalay baa ku jirta, ka kalena waa nin, sida warku igu soo gaadhayna dhaawaca ninkaasi wuu culus yahay oo lugtu way burburtay, markaa waxa lay sheegay in gaadhi Ambalaas ah looga diray Badhan, markaa waxa la keeni doonaa Badhan ama meesha ugu dhow ee dhakhtar weyni joogo, meeshaasina koley waxay noqonaysaa Boosaaso oo ugu dhow.”

Isagoo hadalka sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Gabadha aan dhalay waxay rasaastu kaga dhacday Misigta oo dhinaca kale ayay uga baxday, xaaladdeeduna way fiican tahay oo waan la hadlay, gurmad deg-deg ahna waa loo sameeyey,” ayuu yidhi Cabdiraxman Cabdalla.

Haseyeeshee, badhasaabka Gobolka Badhan Cabdixakiim Axmed Maxamuud, ayaa sheegay in ninka weerarka geystay u dhashay gobolka deegaanka Middigale, isla markaana weerarkiisu la xidhiidho aanooyin-qabiil oo beesha deegaankaas ku nool u dhexeeyay.

“Weerarka waxa ku dhaawacmay laba qof, dadkuna siday hadalka u badinayaan oo la leeyahay waa nin u dhashay deegaanka oo hore loogu xidhay Boosaaso, laakiin wax rasmiya oo xaqiiqa lama hayo,” Sidaas waxa sheegay Badhasaabka gobolka Badhan Cabdixakiim Axmed Maxamuud oo isagoo ku sugan magaalada Hargeysa khadka telefoonka kula hadlay Wargeyska Himilo.

@Wargeyska Himilo