Somaliland: Dhakhaatiirta Ajaanib ah oo dalka laga saarayo iyo Sababta xilligan ku soo beegtay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inay dalka ka saarayso dhakhaatiirta ajaanibka ah sifaha sharci-darrada ah kaga shaqaysta goobaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ee dalka.

Komishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay inay muddooyinkii u dambeeyey soo kordhaysay cabashooyinka uga imanaya dhinaca bulshada ee la xidhiidha dhakhaatiirta Ajaanibka oo intooda badani aanay ka diiwaan-gashanayn xafiiskooda, sidaa awgeedna ay xukuumaddu go’aamisay in dalka laga saaro intooda aan sharciga u haysan inay dalka ka hawl-galaan 113 dhakhtar Ajaanib ah oo ka hawl-gala guud ahaan Somaliland.

mihnadleyaasha caafimaadkaGuddoomiyaha Guddiga Mihnadleyaasha Caafimaad Somaliland Dr Axmed Xaashi Oday oo warbahaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu sheegay inay ugu dambayn xal u heleen caqabado ka hor-taagaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee masuulka ka yihiin kaddib markii uu go’aan soo saaray madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo Wasiirkiisa Horumarinta Caafimaadka ku amray fulinta go’aamo iyo qorshe arrintan ku saabsan oo Guddi ahaan u gudbiyeen madaxweynaha.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN