Somaliland: Ciidamada Ammaanka oo Heegan La Galiyay Iyo Wararkii U Dambeeyay Dad Loo Xidhxidhay Bambo Ku Qaraxday Tog-Wajaale

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Iid Xasan Dheere oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa ka hadlay shan nin oo habeen hore guri ku yaal Magaalada Wajaale ay ku qarax-day Bombo,kuwaasi oo uu sheegay inay ahayeen kuwa maleegay shirqool oo xamar laga soo shidaaliyey, balse Ciidanka Booliska Somaliland ayaa heegan buuxa la geliyey, sida uu sheegay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay sidan: “18 May ayaa inagu soo haysa foodda illaahay waxaynu ka baryeynaa inuu nabad-gelyo inagu gaadhsiiyo nabad-gelyana inoogu dhammeeyo , waxaa la inaga rabbaa , hawl adag ayeynu gelaynaa ,waa laba qaybood ciidan amniga ka shaqayn doona iyo ciidan gaardiska mari doona, dhammaan ciidan weynaha Bilayska Somaliland waxa lagu wergelinayaa inay diyaar garoobaan illaalinta nabad-gelyada, waxa weeye waad garanaysaan calaamadaa aynu sidaanaa waa qarankii weeye waa in aad haybaddiisa iyo sharaftiisa aad ilaalisaan , iyadoo horeba la idiin faray haddana waan idinku baraarujinayaan .”

 

Waxaanu intaasi ku daray Taliyuhu “Waxa weeyaan ujeedada aynu iskugu nimid dambiga ka hor tag iyo ka daba tag , haddii uu yahay ciidanka heeganka ah ee xeryaha la dhigayo iyo hadduu yahay ka gaaf wareegaya iyo haddii uu yahay ka suuqa wareegaya, waxa loo baahan yahay anniga oo idiinka mahadcelinaya hawsha adag ee aad qaranka u haysaan waxa la idiinka baahan yahay adkaysi badan iyo in aad dul-qaadateen.”

 

Geesta Kalena Taliye Fadal ayaa fariin u diray Shacbiga reer Somaliland “Shacabka reer Somaliland ee xariirta ah waxaan ka codsanayaa in aad iyo aad u gashaan feejignaan oo dareenkiinu taagnaado oo aad ka jawaabi karto qofka ku dhaafay oo aad suuradin karto , ayaa loo baahan-yahay .”

 

Dhanka kale, Xildhibaan Iid Xasan Dheere oo ka tirsan golaha deegaanka ee Gabiley, ayaa ka waramay dhac-daasi habeen hore ka dhac-day wajaale , waxaanu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bogga Facbuugsiisa sidan   “Illaahay iyagii ayuu inagu furtay wixii ay inala damacsanaayeen, isheenu way shaqaysay, Inkaarteenii ayaa ku qarxisay iyagii waday. Alle ayaa mahaddaasi iska leh, waxay goor dhawayd Bombo ku qaraxday shan nin oo reer Xamar ah, Goobtu waa Guri kuyaala Wajaale. Laba waa la qabtay, midi dhaawac yahay, iyo mid kale, Saddexna waa lagu raadjoogaa. Dadka reer Somaliland ha feejignaadaan, qof walba hala socdo guriga jaarkiisa cidda kujirta, maadaama ay inagu soo fool leedahay Xuskii 18-ka May. Ciidamada Booliiska halagu gacansiiyo Sugida amniga oo yaanay cid cadawgeena ahi inagu dhex dhuuman”.

 

Geesta kalena waxa la sheegay in ninkii dhaawacmay loo soo qaaday dhanka Magaalada Hargeysa, halka labadii kalena lagu xidhay magaalada Hargeysa, waxaana xogu xuseen in qoyskii guriga ka kireeya raggaasi xabisga loo taxaabay, mana jiro wax war ah oo amuurta ku saabsan oo kasoo baxay Xukuumada illaa hadda