Somaliland: Bannaan-baxyo lagaga soo horjeedo Faro-gelinta siyaasadeed ee Soomaaliya oo ka dhacyo gobolladaiyo degmooyinka dalka

Hargeysa (SLpost)- Bannaan-baxyo lagu taageerayo maalgeshiga shirkadda DP World ee dekedda Berbera isla markaana lagaga soo horjeedo Dhawaaq ka soo yeedhay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa maanta ka dhacay guud ahaan magaalooyinka iyo gobollada Somaliland.

Heshiis saddex-geesood ah oo ayaa dhawaan ku dhexmaray magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Shirkadda DP World, Dowladaha Somaliland iyo Itoobiya, waxaana heshiiskaas waxba kama jiraan ku tilmaantay Dowladda Soomaaliya oo sheegtay oo ku hanjabtay inay horjoogsanayso heshiiskaas.

Dadweynaha magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Gabiley, Boorama, Ceerigaabo iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Lix gobol ee waaweyn ee Somaliland, ayaa maanta dareenkooda ku muujiyey taageerada ay u hayaan maalgeshiga dekedda Berbera, iyagoo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha Somaliland maadaama ay Shacabkeedu go’aansadeen inay gaar ka noqdeen ama ka baxaan midnimadii Soomaaliya.

Muuqaalladan Hoose, ayaanu idiinku soo koobaynaa bannaan-baxyada salmiga ah ee maanta ka dhacay magaalooyinka dalka.

Magaalada Hargeysa

Magaalada Berbera

magaalada Burco

Magaalada Laascaanood

Magaalada Saylac

Magaalada Gabiley