Somaliland: Agaasimaha Tayaynta Waxbarashada oo ka Hadlay Waajibaadka Xafiiskiisa

AgaasimahaHargeysa (SLpost)- Agaasimaha cusub ee xafiiska tayaynta waxbarashada ee wasaaradda waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Saleebaan Cumar, ayaa sharraxaad ka bixiyay hawlaha iyo shaqada uu xafiiskuusu qaranka u qaban doono, sidoo kalena waxa uu ka mahadceliyay xilka culus ee loo magacaabay.

Maxamed Saleebaan waxa uu sheegay in xafiiskiisu u taagan yahay tayaynta waxbarashada Somaliland oo soo martay marxalado badan oo kala duwan, isaga oo tilmaamay in maanta la gaadhay wakhtigii tayaynta iyo kobcinta waxbarashada, isla markaana qarankani uu ka gudbay xiligii lagu xisaabtamayay tirada.

“Tayaynta waxbarashadu waa masuuliyad aad u ballaadhan, waana masuuliyadda ay dawladdu u taagan tahay, taas oo ah sababtay ay ugu igmatay wasaaradda waxbarashada, waxbarasho tayo leh in muwaadin kastaa helo waa xaquuq asaasiya oo uu ku leeyahay dawladiisa, waxyaabaha ugu waawayn ee ay dawladi u taagan tahayna waa in ay bixiso tacliin tayo leh,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Saleebaan oo maanta u waramay Bulsho TV.

Waxa kaloo uu intaas raaciyey;  “Waxbarashada Somaliland muddadii uu qarankani jiray waxay soo martay marxalado kala duwan, marxaladahaas waxay kala sinnayd maraaxishii kala duwanaa ee qarankani soo maray, maanta waxaynu taaganahay xiligii tayada, waxaana aynu ka gudubnay xiligii tirada lagu xisaabtamayay.”

“Wasaaradda waxbarashada Somaliland muddooyinkii u dambeeyay waxay ku hawlanayd, taabo-gelinta tayada, kobcinta iyo hirgelinta tacliin tayo leh, sidaad la socotaan waxaa markii ugu horraysay dib u habayn lagu sameeyay manhajkii waxbarashada qaranka Somaliland, iyada oo la soo daabacay buugaag xambaarsan manhajkaas, kuwaasi oo maanta laga heli karo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka,” ayuu yidhi.

Maxamed waxa uu sharraxay barnaamijyada waxbarasho ee ay samaysay wasaaradda waxbarashada Somaliland ee lagu tayaynayay tacliinta dalka, waxaannu yidhi;  “Waxa la sameeyay, waxaa la xakameeyay qishkii Imtixaanka, oo waxaad ogaydeen imtixaankii shahaadiga ahaa, waxa kaloo aad ogaydeen barnaamijkii aqoon jire, ee tacliinta gaadhsiinayay goobaha ka fog caasimada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka, taas oo ay natiijadiisi noqotay in degmooyin farabadan oo ka fog magaalooyinka waawayn ay ku soo baxaan kaalmaha hore ee imtixaankii shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedka 2016 iyo 2017.”

Agaasimuhu waxa uu balan-qaaday in uu ku dedaali doono sidii loo tayayn lahaa waxbarashada, isla markaana loo abuuri lahaa barnaamijyo cusub oo lagu dardar gelinayo tacliinta dalka, waxaanu yidhi “Muddada aan xilkan hayo waxaan ku dadaali doonaa aniga oo la kaashanaya masuuliyiinta sare ee wasaaradda waxbarashada oo uu hormood ka yahay wasiirka wasaaradda waxbarashada, wasiiru dawlaha, wasiir ku xigeenka, agaasimaha, dhamaan agaasimayaasha waaxyaha iyo guddoomiyayaasha gobolada iyo guud ahaan qaybaha wasaarada aniga oo la kaashanaya in aanu ka shaqayno sidii aanu kor ugu sii qaadi lahayn tayaynta waxbarashada, waxa kale oo aanu abuuraynaa barnaamijyo lagu tayaynayo, macalinka, manhajka, ardayda, dugsiga iyo bay’ada waxbarashada, iyada oo isla markaana wax badan dib u eegis lagu samayn doono, waxaanan ka codsanayaa dhamaan ummadda Somaliland in ay masuuliyaddaasi iigu soo duceeyaan iguna garab galaan samaynta tacliin tayo leh inoo abuurta jiil wax ku ool ah oo tayo leh.”