Somaliland: 64 Qof oo 10 Maalmood ee u dambeeyey u geeriyooday Cudurka Covid-19

Hargeysa (SLpost)- Mas’uuliyiinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegay inay kordheen tirada dadka uu soo ridanayo iyo kuwa u dhintay xanuunka COVID-19

Waxa ay sheegeen inay 11-kii maalmood ee ugu horreeyey bishan April la diiwan galiyey dhimashada 64 Qof oo u dhintay cudurka CVID-19, waxaana bulshada loogu baaqay inay guryahooda ku tukadan sallaadda Taraawiixda bisha Ramadaan.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Waxaa u geeriyooday kow iyo tobanka maalmood ila imika 64 qof, talo ahaan ayaa loo soo gudbinaya walaalayaal.

“Waxaanu leenahay salaada Taraawida guryihiina ku tukada, intii awoodii karta guryahooda haku tukato, bal inta meel waasica oo bannaan ah la helayo culimada ayaa arrintaasi u taalaa”.