Somaliland: 55 Kun Qoys oo Gurmad Deg-deg ah u baahan

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in abaar baahsan oo ku dhufatay gobollo ka tirsan dalka ay saamaysay in ka badan 55-kun oo Qoys oo reer Guuraa u badan.

Guddoomiyaha hay’adda Diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh Maxamed oo maanta la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay xaalad bani’aadamnimo ku jiraan 55-kun Qoys oo ay saamayn ku yeelatay xaalada abaareed ee dalka ka jirta.

Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay inay xukuumad ahaan Raashin iyo Gargaar gaadhsiiyeen dadka ay saameynta ku yeelatay xaalada abaareed ee dalka ka jirta, isaga oo intaas raaciyay in toddobaadyada soo socda gurmadkaas mid la mid ah gaadhsiin doonaan deegaannada ay ku nool yihiin dadka abaaruhu saameeyeen.