Somaliland: 360 Maxbuus oo Cafis Madaxweyne loo fidiyey

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-857/052022 oo uu maanta soo saaray  Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Madaxweynuhu waxa uu wareegtadiisa ku go’aamiyey in munaasibadda ciidda Fidriga awgeed uu cafis guud u fidiyey maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Maxaabiista uu madaxweynuhu cafiska u fidiyey ayaa tiradoodu dhan tahay 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus, waxaanu Md Muuse Biixi intaas ku daray in Cafiskani aanu saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu amray in cafiskan ay fuliso Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista la cafiyey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net