Somaliland: 31 Masuul oo xatooyo Qaran loo Haysto iyo lacag dhan 5 Bilyan SLSH oo la Xaday

 

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo tiradoodu gaadhay 31 qof, ayaa loo xidh-xidhay eedaymo musuq-maasuq kaddib markii Hanti-dhowrka guud baadhis ku sameeyey hay’adaha dowladda ee ay xilalka ka hayeen.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi oo maanta khudbad –sannadeedkiisa dastuuriga ah ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo uu yeeshay baarlamaanka Somaliland oo ka kooban Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Hanti-dhowrka Qaranku  baadhis baadhis maaliyadeed iyo mid maamul ku sameeyey 72 waaxood oo ka tirsan hay’adda Dowladda, iyadoo muddada baadhistu socotay la soo eedeeyey 31 masuuliyiin dowladeed ah oo loo haysto inay lunsadeen xoolo ummadeed, isla markaana ay hadda yihiin gar-sugayaal Maxkamadeed.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in qasnadda dowladda dib loogu soo celiyey lacag dhan 5 bilyan oo Shillinka Somaliland ah, taasoo hore looga xaday qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in tallaabadaasi ku timi wax-ka-beddel iyo dib u habayn lagu sameeyey Shuruucda baadhista iyo hanti-dhowrka ee xukuumaddiisa, waxaanu yidhi, “Waxa aannu aaminsannahay in Maamul-wanaaggu ka mid yahay tiirarka waaweyn ee lagu beegsan karo Amni Bulsho iyo Horumar ummadeed, laguna heli karo maamul suuban oo laf-dhabar u noqda Dawladnimada.Waxa kale oo uu ka qayb-qaadan karaa kobcinta qaab-dhismeedka iyo hufnaanta shaqada Dawladdi u hayso Shacabkeeda.”

“Sidaa darteed, Waxa dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyey nidaamka uu ku shaqeeyo Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka. Waxa meel adag la iska taagay Xatooyada Xoolaha Ummadda, waxaana Baadhis Xisaabeed iyo Baadhis Maamul lagu sameeyey 72 Hay’adood oo Dawli ah, waxaana la soo eedeeyey31 Masuul Dawladeed ah oo dacwad sugayaal ah. Waxa Qasnadda Dawladda lagu soo celiyey lacag dhan 5 Bilyan oo SL. Shillinah oo laga lunsaday Qaranka.Waxa la adkeeyey ku-dhaqanka Shuruucda, Baadhista Dambiyada laga galo Maaliyadda iyo Maamulka,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net