Somaliland: 24 qof oo Toddobaadkii u dambeeyey u geeriyooday Cudurka Covid-19

Hargeysa (SLpost)- Cudurka Covid-19, ayaa si xawlaha ah ugu dhex-faafaya bulshada Somaliland muddooyinkii u dambeeyey, kaddib markii baadhitaanno lagu sameeyey bulshada iyo dadka xannuunku soo-ritay kor-u-kac intii hore ka badani ku yimi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland oo warbixin ku saabsan xaaladda xannuunkan ka akhriyey shirka Golaha Wasiirrada oo maanta ku qabsoomay madaxtooyada, waxa uu sheegay inuu xannuunku si weyn ugu dhex-fiday bulshada oo uu khatar ku hayo, isla markaana ay toddobaadkii u dambeeyey u geeriyoodeen 24 qof.

Golaha Wasiirada Somaliland 2021

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa soo jeediyey in si xooggan loo dar-dargeliyo wax-qabadka Guddiga heer qaran ee ka-hortagga Xannuunka Covid-19, sida lagu sheegay war-saxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada Somaliland.

“Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha uga war-bixiyey xaaladda Somaliland ee Cudurka Covid-19, waxaana uu ku dheeraaday khatarka ka soo cusboonaatay xanuunka Covid-19 oo ah mawjaddii saddexaad taas oo gaadhay Bulshada qaybeheeda kala duwan, iyadoo todobaadkii u danbeeyey oo keliya ay u geeriyoodeen afar iyo labaatan ruux (24) oo ah intii is diwaangelisay ee timid goobaha caafimaadka, taasoo muujinaysa in uu si ballaadhan u fidayo xanuunku.

Sidaa darteed, goluhu waxa uu soo jeediyey tallaabooyin iyo tallooyin Guddida Ka-hortagga iyo la dagaalanka xanuunka Covid-19 oo ay ku dardar-gelinayaan hawlaha ay u xil-saaran yihiin,” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Shirka Golaha Wasiirrada waxa kale oo lagaga hadlay xaaladda ammaan ee dalka iyo Dilalka soo noq-noqday ee masuuliyiinta hay’adaha dowladda lagula bartilmaameedsado magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Labadii bilood ee u dambeeyey waxa magaalada Laascaanood ka dhacay Dilal lagu bartilmaameedsaday Guddoomiyihi guddiga Doorashooyinka ee Gobolka Sool Allah ha u naxariistee Cabdilaahi Laba Go’le oo koox dabley ahi ku dishay gudaha Laascaanood 1-dii bishii August ee sannadkan iyo Marxuum Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood, kaas oo dabley hubaysani toddobaadkan ku dileen gudaha magaaladaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net