Somalia:Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir Oo La Siiyay Awoodo Dheeraad ah

Muqdisho(SLPOST)Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) oo 27-kii bishii hore lagu magacaabay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la siiyay awoodo dheeraad ah.

Muungaab rrr

Jen. Muungaab ayaa nasiib u yeeshay inuu noqdo Gudoomiyihii u horeeyay ee gobolka Banaadir oo ay hoos imanayaan Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, taasoo ah mid aad muhiim ugu ah howlaha sugida amniga Caasimada.

Gudoomiyaha ayaa awood u yeelan doona inuu la xisaabtamo Talisyada Amni ee Muqdisho, waana tan keentay in dowladda ay ku dhiirato in Jen. Muungaab la hoos-geeyo Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir oo horay u hoos-tagi jiray Talisyadooda Guud.

Dadka odorasa arrimaha Amniga ayaa sheegaya in Muungaab uu yahay nin ka soo bixi kara arrimaha amniga, taasna ay sabab u aheyd in la hoos-geeyo Talisyada Amniga Gobolka Banaadir oo si toos ah ay hoos-tagi doonaan wixii hada ka dambeeya.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa la sheegaa inuu horay u raadin jiray in la hoos keeno ama ay toos uga amar-qaataan Talisyada Nabadsugida iyo Booliska Gobolka Banaadir, waxaana jiray wada shaqeyn la’aan u dhaxeysa Tarsan iyo laamaha ammaanka Muqdisho, iyadoo marar badan uu eedeymo kulul hawada u mariyay oo ku saabsanaa qorshayaasha sugida amniga Muqdisho.

Duqa Muqdisho Jen, Muungaab ayaa la imaan doono is bedelo xag amni oo ku saabsan sugida ammaanka Muqdisho, iyadoo la sheegayo in durba Gudoomiyaha uu bilaabay inuu wada tashiyo la yeesho qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Shacabka Muqdisho ayaa ka war dhowraya waxa uu ka bedelo ammaanka caasimada oo beryihii u dambeeyay faraha ka sii baxayay, dadka qaar ayaa aaminsan maadaama uu askari yahay inuu ka baxo xaalada Muqdisho oo u baahan nin wax ka yaqaana arrimaha amniga iyo istiraatiijiyada ciidan.

Dhowaan ayaa la filayaa inuu xilka si rasmi ah uu kala wareego Gudoomiyihii hore, waxaana markaas iyo wixii ka dambeeyay uu guda geli doona howlaha adag ee hor-yaala oo ay ugu weyn tahay Amniga.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Caasimada Muqdisho dhowrkii todobaad ee u dambeeyay, iyagoo soo saaray culeys aad u weyn, tan iyo markii dowladda ku dhawaaqday inay sanadkan Shabaab ka saareyo deegaaada Gobolada dalka ay gacanta ku hayaan.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland