SOMALIA: UNHCR oo Ka Haddashay Sarkaal Ka Tirsan oo Xamar Lagu Khaarajiyey

Moqdishu(SLpost)-Hay’adda  UNHCR ayaa ka hadashay dilka sarkaallad sare oo ka tirsanayd oo maalintii shalay koox hubsaysani ku dileen Dalka Somalia.

Aamina Nuur Maxamed  waxa dilay koox hubaysan wakhti ay la socotay gaadhigeeda oo socday degmada Hodan.

War-saxaafadeed  ka soo baxay hay’adda UNHCR ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay dilka Aamin Nuur iyo dirawalkeda oo la odhan jiray Cabdirisaaq Aadan Cadaawe,waxaanay soo jeedisay in cadaalada la hor keeno kuwii dilkaasi fuliyay.

Aamin Nuur ayaa hay;adda UNHCR ka hawl galaysay ilaa sannadkii 2011,iyadoo ahayd kaaliyaha madaxa dhanka arimaha adeega bulshada ee xafiiska Muqdisho.

“Anigoo ku hadlaya Afka UNHCR waxaa tacsi u dirayaa Qoyska iyo Saaxiibada Aamina Nuur,” ayuu yidhi Madaxa UNHCR António Guterres.

António Guterres ayaa sheegay in Xaruntooda Geneva ay Maanta ugu samayn doonaan Aamina Daqiiqad aamusnaan ah.

Aamiin Nuur waxay ifka kaga tagtay laba caruur ah oo da’doodu kala tahay 2 sanno iyo saddex bilood.