Somalia: Dadkii Ugu badnaa oo maanta u Geeriyooday Cudurka Covid-19 iyo 49 Qof oo Laga helay

 

Muqdisho (SLpost)- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa fiidnimadii caawa soo saartay warbixinta Caabuqa Coronavirus ee 24-kii saac ee u dambeyey, waxaana lagu shaaciyey in dadkii ugu badnaa ay gudaha Soomaaliya ugu dhinteen cudurkan.

Warbixinta ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, waxa lagu sheegay in 6-qof ugu geeriyoodeen Xannuunka 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha dalkaasi Soomaaliya.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in 49 kiis oo Caabuqa Coronavirus ah, la diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay, taas oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee mar kaliya la shaaciyo Soomalaiya.

Warbixinta ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, waxa lagu sheegay in dadka maanta la shaaciyey 30 ka mid ahi yihiin rag halka 19 kalena yihiin Dumar. Laba qof oo ka mid bukaankii hore ugu diiwaan-gashanaa xannuunka covid-19, ayaa la sheegay inay ka soo kabteen cudurka.

Tirada guud ee gudaha dalkaasi Soomaaliya dadka laga helay caabuqa Coronavirus, ayaa gaadhay 286 qof, halka tirada dadka u geeriyooday xannuunkani yihiin Lix Qof.

Warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma xusin halka ay ku kala nool yihiin dadka loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ay qabaan Coronavirus, balse waxa loo badinayaa in tirada ugu badani ku sugan yihiin magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalkaas.