SOLJA oo Cambaareeyay Cabudhinta iyo Cago-jugleynta Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ku hayo Saxaafadda

Hargeysa (SLpost)- Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa si adag u cambaareeyay dhaqamada iyo tallaabooyinka caga-juglaynta ah ee Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali (Ramaax) ku hayo  saxaafadda Madaxa bannaan ee ka hawlgasha gobolkaas.

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hotel-ka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa jawaab  adag  ka bixiyay  hadal  hanjabaad ah  oo toddobaadkan ka soo yeedhay Guddoomiye  Gobolka Saaxil Maxamuud-Ramaax oo sheegay in  aanu gobolka madaxda  uu ka yahay ka hawgeli Karin  Wariye aan isaga ogolaansho ka haysan, waxaanu guddoomiyaha SOLJA hanjabaddaas ku tilmaamay mid aan hakin karin shaqada warbaahinta deegaankiisa.

“Guddoomiyaha gobolku waxa uu sameeyay takooris uu kala takooray innamada suxufiyiinta ah ee jooga Magaalada Berbera, sidaas darteed guddoomiyaha waxa aanu leenahay sida aad u dhaqmaysaa maaha wax wanaagsan; waa si laga qurux badan yahay  oo aad looga fiican yahay. Saxaafadda  iyo suxufigu maaha qaar adiga iyo qayrkaa  daba fadhiisanaya, maaha qaar aad yeelanayso oo aad ku takri falayso oo ka ku diiddana aad eryi doonto, ka ku ogolaadana aad soo dhaweyn doonto,” ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf .

Warbaahinta ka hawl-gasha gobolka Saaxil ayaa muddooyinkii u dambeeyey cago-jugleyn iyo hadidaad kala kulmayey masuuliyiinta Dawladda ee Gobolka, waxaanu hadalka guddoomiyaha gobolka Saaxil muujiyey sida ay wali Madaxda Dawladdu ugu xad-gudbayaan xuquuqda Suxufiyiinta dalka ka hawl-gasha.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net