Soddon-guurada Kacdoonka Dhalinyaradii UFFO oo maanta si weyn loogu Xusay magaalada Hargeysa iyo Masuuliyiin ka qayb-gashay

Hargeysa, 20 February, 2012 (SLpost)- Wasiirrada Dhalinyarada, Madaxtooyda ayaa Maanta ka qayb galay xuska maalinta dhalinyarada Somaliland oo loo asteeyay 20 bisha February taas lagu qabtay fagaaraha Beerta Xorriyada ee Caasimada hargaysa.

Munaasibadan maanta oo ku beegan Soddon-guurada ka soo wareegtay Kacdoonkii dhalinyarda ee UFFO ee sannadkii 1982 isla markaana ay soo qaban qaabiyeen Dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO, waxa ka qayb galay oo kale Gudoomiyaha hay’ada la dagaalanka musuq maasuqa iyo Maamul Wanaag oo ka mid ahaa shakhsiyaadkii uu rajiimkii siyaad bare u xidhay hawlihii samo fal ee ay ummadooda ugu adeegayeen isla markaana uu ka dhashay kacdoonkii dhalinyarada ee 20 bishii feb.1982kii,Mas’uuliyiin iyo dadweyne kale.

Wasiirada Dhalinyarada Mudane Cabdi Siciid Faahiye iyo Madaxtooyada Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay xukuumada Somaliland uga go’an tahay dhiiri gelinta dhalinyarada iyagoo si gaar ah u dul istaagay inay markii u horaysay ku guulaysteen sidii dhalinyaradu uga qayb gali lahayd saaxada siyaasada Somaliland isla markaana ay ka fureen dabarkii sharci ee ka maanacayay ka qayb qaadashada hogaaminta qaranka kadib markii ay da’da siyaasada ay ku galayaan ay ka dhigeen 25jir.

Gudoomiyaha hay’ada la dagaalanka musuq maasuqa iyo Maamul wanaaga Axmed Maxamud Madar ayaa si qoto dheer u faahfaahiyay sababihii gundhiga u ahaa kacdoonkii dhagax tuur ee caasimada hargaysa ka dhacay 20 kii bishii feberwery waxaanu tilmaamay in kacdoonkaasi uu ahaa meelihii uu ka bilaabmay halgankii hubaysnaa ee ururkii SNM horseedka ka ahaayeen.

Waxaa kale oo iyana madashaasi ka hadashay Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo ka mid ahayd ardaydii xiligaasi wax ka baranayay dugsiga sare ee Faarax Oomaar.

SOMAILLANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net