SNM IYO ISLAAX!!?

 

Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

Ishabaynta bulshooyinkam Qaabab nolosha lagu waajahaayo waxay ka qaataan ilo kala gadisan oo kala jaada oo ay u doortaan ama loo dooro, xaaladda deggaankuna ku leedahay saamayn dhinaca nolosha ah, taasina waxay kicisaa in la dareemo in la iskugu baahanyahay qaab laggu waajaho mawjaddaha adagg ee lasoo gudboonaada,  lamaanaha waxa shaykastaa ugu abuuran yahay wax wadda qabsi, taasi oo soo martay qaabab baddan oo la isku caawin jiray mid kastaana wakhtigeeda iyo duruufaheed la gu’ trisanaysay si la iskula jaan qaado farsamooyinka iyo fanka nolosha,

Taasi waxay si taxadar oo aayar aayar leh keebka uqabbattaa in la isla jaan qaado, si aan la dareemin ummadu isku habbayso taasi oo loogu talagalay ama si cad loo aas aasay weelal lagu wadda dhaansaddo dhuuniga qaab is taageerida iyadoo mood iyo nool wixii u baahan in la wadda guuro ama dhaan la isku xidhiidhsho wakhtigii helida biyaha massaafo dheer loo safri jiray waxaan dhaanka la xidhiidhin jiray awr baddan oo dhawr qof waddaan intii kalena ay ku hawlantahay hawraaro kale oo muhim nolosha u ah iyo dhamaan waayaha nolosha.

Taasi marba meel ay soo tukubtaba waxa lasoo gaadhay in farsamooyin faraha lagu falo lagga soo bilaabo beer qoddashadii si amaan cuntto loo helo, iyaddoo lahorumariyay farasamo tumista birta oo kacaanandii warshadaha ka curtay xudunta yurub ee Faransiisaska iyadoo dhacdooyin hore oo soo daddajiyay ka horeeyeen. Way badnaayeen qaababka la isku tageeri jiray oo guun ahayd,  haddana waxa aad loogu sii baahday markii magaalooyinka la yimid ee ay camirmeen.

waxaan ahay agnaan, waxa ii raacda gaangi haddalkana sifiican umma odhan karo waliba ku darsoo, waxa imtixaan la iga’ga dhigay, in wararka rasmiga ah iyo ku tidhi ku teenka  la isla dhexwareego aan sifiican uga baggan karin, waayo dhagaha waxa kaga dhacay wax aan la aqoon oo qaddar Alle ah balse hadda wuu kasoo raynayaa.

Taa waxa kasii daran si fiican waxba uma sii gudbin karo, awoodayduna waxay ku rurutay in  madaxa lullo marka masalo la’iga su’aalo arrimaha socda, taasina waxay iigu kacday, in daddka kaftan waddaagu naga dhaxeeyaa i xantaa qaarna iguba caddeeyan waa qof iyo garaadkiiye markaanu haasaawayno ama wadda sheekhaysanayno barkulannada bulshada ee goobaha ganacsiga ama meelkastoo bulsho yari kusoo ruruto in aan noqday loogama Qaateen iska yidhi.

 

Taasi waxay dadka ku riixday in aanay waxba iga qaadan taa baalkeeda waxa kudhacday saxiibkeen oo dadbka gaaska ku sii shiday in  dhagihiisa iska xidho oo waxkastoo warbaahinta ama afmiishaarada iyo gambo dumarta, ama dhanxiirku sheego dhagaha ka furaysto, wax badana  dhagaha  uma  dhaadhiciyo waayo cidbaan iga rasaynayn haddan dhugto iyo haddaan iska daayo.

 

Balse waxaan maqlay barrigii uu garraadkayga iyo maqalkaygu sida saafiga shaqadooda u guddanaayeen in ay jiraan labba xisbbi oo kala xaafado ah ama isku xaafada kuna yaala barta dooxa biyaha ay bulshadu ka dhaansato taasi oo sabbabtay in ay ku doodaan in ceelka ay ka dhaxleen  awowyaashood oo dhaxal reeb. Cidina dhinac uga riixi karin cid  hinjin kartaana jirin waa sidda uu ku doodee.

 

halka saxiibkii oo la jaarina isha qoodheeda uu ka fiirsado sidda wax usocdaan, laabbtana ku hayo in uu isagu ceelka dhooba qaaday hawlbadanina kaga jirto ciddina aanay ka dhaqaajin karin, iyadoo halkaa ay giraantu warreegayso waxa dusha kaga soo daggay muwaadin kale oo  oo dadka qaar u arkaan in awowgii uu ahaaba ninka ceelka lahaa oo biyihiisa barigaasi dadbadani abbaal ugu hayaan waa waagii lixdamaadkii isla maalmihii hawaddii macaanayadee naacawdeedu ku koobnayn affara cisho waa sidda uu gartiisa u akhristee. inn awaygii ceelka masuul ka ahaa taasina ay meesha kasaarayso sheegayshooyinka labada nine ee jaarka la ah, ee isa’siiayay, waayo waxay soomaalidu tidhaahdaa (BAADI KUGU RAAGTAY XOOLAHAAGA LA MOODAA).

 

Waxa intaa kasii daran in saaxiib kale oo in badan dhex fadhiyay golayaasha adeerkiina ahaa raggii qoryahay dhalinta ka sa’sabay in Somaliland la dhisto, kudaroo waxa adeerkii ahaa sheekhii iyo suldaankii halgankii ummadani soo gashay intaa iyo in kaloo marka lagu darro waxaa uu leeyahay cidd iiga xaqlihi marjiro dad badanina  aadbay ugu garaabayaan doodiisa waana run jirta oo ciddi dafiri karin halgamaddaasi.

Waxa samaysantay jeegaan is xulafaysi oo iska tallaab cas ku dhigtay siyaasada juquraafiyadeed ee hirarka siyaasadeed. Kooxdan meesha ka dhiishaan dhaansatay waxay arkeen awrkii cirka markaasay Dameertoodii jarka tureen balse dadbaa qabba in xattaa iyagii dameertoodii ay ka dabba dhaceen oo godka dhexdiisa caano kaga maalayaan waa sidda ay shibiruhu soo wariyeen warkooduna hubsashuu muddan yahay.

 

Balse waxa aad mooddaa in saaxiibkeenii dhagaha cuslaa in uu kasoo raynayo maqalkiisii. sabbabbo la garan waayay oo qofba geestii ula kacay, waxase laggu kulan sanyahay oo aan lagu kala baydhin waajibna tahay in qofwaliba uu aamino, kana mid ah bahda iimaanka hoostagta in Allaah shaafiyay, waxaase dadku su’aalo iska waydiiyaan qaabka saaxiibkeen ula dhacay in uu qaabkan, jidkan lagga biyo diiday umaro hankiisa, kuna arroorta in ceelku biyo macaan yahay iyo in kale waayo maanta dunnidu waxay ka qaylinaysaa waa isbadalka Cimilada markaa waxaaba suurto gal ah in biyhii ceelka ee la isku haystay wax si ka yihiin,( HUBSASHO HALBAA LASIISTAA) la isku joojin maayana ciddna laga yeeli maayo waa hadalkay ay ku tiraabaan kooxda kale .

 

Mar wax lagga su’aalay sababta uu maqalkiisii ugu soo noqday waxa uu sheegay in uu aad u yaqaanay qaaddaa’dhiga iyo saaddaasha siyaasada ku saabsan labbada xisbi ee dunnida dhuunigoodii dhurtay iyagagoo ku gabbanaya magacyo . Waxaanu aad u yaqaanaa aas aaska iyo koritaanka kolba heerka ay marran labbada xisbi, siddaa daraadeed maadaama maanta labbadii xisbi ay goradda isla galeen oo haddana xisbiga dhexdiisu labddii xisbi kala lushaan waxaase qosol ku jiraa nin aan intaasi wax maqal sifiicanana wax u dhihi karin, waxa laga filan karo iyo sidda loogu kalsoonaan karo warkiisa oo u baahan hubin iyo u abtirin wareed, oo dalkaba hadda laga waayay qofkastaana ku caano maalay siddaanu ku helnay warkaa ilo muhim ah , iyo cid lagu kalsoonyhay.

 

Balse dadka qaar baa ku dooda in uu ahaan jiray looga qaateen waaggii ay yaqaaneen, taasi oo sii xoojinaysa in uu ahaado il lagu kalsoon yahay, balse labbada xisbi waa in labbada garab aanay wali sifiican uga biyo cabin darka caddalada,  qolo kastaa cidda la safan marka laga tago faro isku fiiq fiiq mararka qaarkoodna lagu sigto in sanka feed la siku jabiyo siddii gole waynaha ka dhacday, dhacdadii maggaca xummayd sheegi maayee.

 

waxaad moodaa in waxa kaliyee la isku dilayaa, waa kursi dannta ummada cidda soohadal qaadaa waa afka dabaysaha ka qarso. tusaale dalka waxa laga abuuray meel lagu eego tayada baabuurta, walina lama samayn meel lagu baadho raashinka dhacay siddaa si lammida ragga dibada ama duurka ka cabaadayaa waxay hayaan oo siyaasadi cad oo hogaamin ,horumarineed ah gabi ahaan ma jirto marka lagga taggo in ay ee’gaa afka maddaxwaynaha iyo kooxdiisa waxa kasoo baxa una jawaabo inta aanu haddalka dhamaysan.

 

labbada xisbi maxay ka siman yihiin waa arragti shakhsiyaddeed oo gaaban doodna laga gali karo bal aan qoddobadan isla eegno. Balse waxa lagu xanttaa labbadooda qodobadan soo scoda

  • Tannaasulka oo aad ugu yar ama aan lagu aqooninba
  • Dulqaadka iyo in wax badan oo calooshooda xanxantayna ayna iska liqin
  • Waxa la sheegaa in ay saaxiibadood maalinba ga’gi cidlo ah kaga dhaqaaqaan, hanta jacayl saaida oo xadhaafa gaadhana in lagu faano waxaan haystaa 40 milyan anna affartan jirbaan ahay
  • Waxaa la sheegaa in ay ka naxaan in labbada xisbi marka cid ay isku jufo yihiin soo gasho ay maryaha daadiyaan
  • In labbada xisbi ay ka caydhiyeen dad ay isku  afkaar ahaayeen muddo dheerna ha lasoo dagaal galee.
  • Qoloada kale ee daggaalada ku faana waxaa laggu xanttaa in aanay tallada dhulka dhigin oo ay qoorta ku sitaan maalinbana meel ku sibirixdaan sida digaagada
  • Waxay isku dillaan ukala dhawaanshaha Mudane Madaxwaynaheena Allaah ha daayee
  • Waxay aad u cambaarayn jireen Madaxwaynihii ka horeeyaya ilaa ay gaadhsiiyeen ulbaan kaga soo saari, Madaxwaynahan oo ay isku jifo yihiin saacad kastaa amaantiisa afkay ku hayaan, habbeenkiin way ku riyoodaan iyagoo hurdada kolba mar kasoo booda. Taasi macaddaaladbaa waar tallada dhulka ha la dhigo.

Waxay taasi keentay in labbadii xisbi ay noqdaan labba xisbi oo kala afkaara, taasina keentay in kaalini banaanaato, ragg baddanina dibad iyo guddaba ay kabalaaan kusoo galaan dalka,

Waxay dadku aad uga baqayan haddii labadn xisbi ay isku dhacaan, waayo waxaa lagu yaqaanaa in ay yihiin garma qaattayaal quus laga joogo in tallada dhulka dhigaan , waxay ka cabbaan ha la eego, dadkuun baa dhamaan dhulkuna siddiisa uun buu ahaan.

  • Labbadooda midkoodan ma tanaasulo ilaa loo tanaasulo kan ay is hayaaana lagguma yaqaano oo xattaa ay gaadho xaalado halis badan sida ka dhacday waddama badan oo dunidda ah
  • Waxa ay dadka qaar ku doodaan in labadan xisbi  midkood aanu dalka wax badan ku darsan halka ka kalena la xanto waxyaabo kale, taasina ay keentay in lexejeclo badan u lahayn kuna kooban labbada xisbi dantooda gaarka ah iyo in kursiga lagu dhaadho xalaal ama xaaraan.
  • waxay ku dambayna Allaah uun baa og balse (KII ROONAADAA REERKA U HADHI) hana hambalyeeo si xeego xeego u noqoto.
  • In ay jiraan faragalino shisheeye oo ay ka middaysan yihiin lababadan xisbi taasina ay meeshaba ka saarayso dantii shacabka, korna usii qaadayso danta shakhsiga iyo ta juquraafiga siyaasadeed ee gayiga xaaladiisa goboleed kuna tiirsan siyaasada guud ee bariga dhexe oo saamayntiisu ka talawday badd waynta Atlantiga iyo Paasafiga wax’lala yaabana maaha in maanta hargaysa afkaartaasi taalo.

Waxaa jira qodobo badan balse intaasi aynu kaga kaaftoono, waxa dad badani is waydiiyaanwaar ( tolow yaa kala guri labbadan xisbi haddii ay iksu fakaddaan Alle kama dhigee)  waayo waxaa la sheegaa in labaddan xisbi aanu midkoodna qaadan guul darrada niyadiisana aanay sooba marin waa laggaa guulaystay, waxaan ku tallin lahaa in lasii diyaariyo dadkii arrintaa ka shaqayn lahaa waxaase ka habbooba in maanta intaan sharaaradda iyo xafiiltanka jiq kusii sii xoogaysan, in tallada dhulka la dhigo oo ficil loo baddalo haddalada quruxda badan ee wartabinta dadka lagu wacdinaayo, labbada xisbi aad bay isku yaqaanaan taasina waxa ay sii xoogaynaysaa in la isku soo dhaweeyo waxaa hore loo yidhi (Rag wallala wax uu ku dhaama la waa) maahmaah kale iyanawaxay tidhaahdaa (RAG WIXIISANA’ U DAA ‘WAXAANAGA UGU DAR).

Waar maanta daddka iyo dalkuba meel fiican buu marayaa, waxa la soo maray meerto nololeedyo qalafsan oo qori caaradii wax lagu kala qaadi jiray, haddana ragg baa jirya dhabarka u ritay xaaladaasi adkaa ee halista badnaa, dadkana gogol qudha kuwad fadhiisiin  jiray, maantaynu ka lacag, iyo cilmiba buuxnaa maxaa ina daciifiyay ee karaamadii iyo kalsoonidii waddaniyada soo jireenka ah tuunbadda innagag nuugay dhiiga, waar halla tooso oo halla kaco intaan xaajadu faraha ka bixin, waayo waxaa la yidhaadaa (CULIMADU WAXAY GARATAA BALAAYADU MARKAY SOO SOCOTO DADKA QAARNA WAXAY GARTAAN MARKAY DABADA JEEDISO) ku darsoo aan wadda haddalno waan aan heshiino, waxa kaloo la yidhaadaa nin shir ka dudday siigo yaraa, balse waxaa jira in is ficiltanku uu dadka ku rido dambiyo waawayn oo diinta dhaawac culus gaadhsiiya, waxaan aaminsanahay in wax’garadka dalku xaajo kasta uu furdaamin karaayo ha u kacaan, haddaanay is yeelyeelayn, waxa la sheegaa waar diinta waynu naqaanaa haddaynaan is yeelyeelayn, oo caqligaad ku garanaysaa in waxaasi xun yahay amam fiican yahay

Faro galinta shisheeyaha iyo hebelaa lalal shiray waa astaan naxdin muddan in arrin xisbi dibbada laga soo faro galiyo sidday warbaahintu tabisay. Takale xaalada bulshadu ku nooshahay maanta waa (MARKA HEBEL DURYAA LAGA DABA QUFAYAA)  gaariye, iyo in ragga qaar ka xanaanqaan maalinba marka uu Maddaxwaynuhu cid la qoslo, waa siddii gabyaagiiye (QOSOL QOORSIMAAD NOQAY ) ama (HEBELAA ISKU DUUR XULAY) waar arrinka dhulka ha la dhigo.

Gabogabadii waxa muddan ee mudnaantu waa in Allaah Ducaddii Ayayooyinkeen(MADOORAN NAQAANEE ALLAW  NOO DOOR) ducoo idilna  ku soo ururto,

Qalinkii Ahmed Ali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com