Somaliland: Taliska Ciidanka Badda oo Xarun Cusub Loo Dhisayo

Hargeysa(SLpost)-Dhisme cusub oo loo dhisayo taliska ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa laga dhisayaa Hargeysa. Dhismahaasi oo ay maanta oo axad ah dhagax dhigeen wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde iyo taliyaha ciidamada ilaalada badda sareeye guuto Maxamed Faarax Xiirane.

Ugu horayn taliyaha ayaa sheegay in aannu hore u lahayn ciidanka ilaalada xeebuhu talis noocan oo kale ah, kana waramay baahida ay ciidamada ilaalada xeebuhu u qabeen dhisme/xarun noocan oo kale ah oo ay ku gutaan waajibaadka shaqada ay qaranka u hayaan.

Taliyaha oo arimahaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Ciidamada ilaalada baddu hoy kuma leha Hargeysa kiruu ku jiraa, waxay noqotay mar haddaanu kiro ku jirno in aannu meeshaannu doono u cararno, dawladda Ingiriiska ayaa guri yar noogu balanqaaday mid weyna waxa aannu ka dhisi doonaa Berbera oo aannu u daysannay in aannu badda ku jeedsanno. Halkanna waxa ay noqon doontaa meesha aannu ciidanka ku ururin doonno”

“Waxa aannu mahad u celinaynaa ciidanka milatariga, gaar ahaan taliyahooda oo bartan noo asteeyay” ayuu yidhi taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha JSL sareeye guuto Maxamed Faarax Xiirane.

Wasiirka wasaaradda warshadaha Shacayb Maxamed Muuse ayaa isna ka hadlay madashan ayaa ciidanka ilaalada xeebaha ku amaanay shaqada ay qaranka u hayaan ee ilaalinta xeebta dheer ee Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa ka hadlay marxaladaha ay soo martay dhisidda xaruntani una mahadceliyay ciddii ka qayb qaadatay hawshan waxaanna uu yidhi “Dhisidda xaruntan oo runtii aannu mudo dheer daba taagnayn siddii loogu dhisi lahaa ciidanka, mar labaadka waxa aan u mahadnaqayaa dawladda Ingiriiska oo uu ka mid yahay dhismahan iyo hawlo kale oo amniga ah, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa janaraalka ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo isaguna xeradan qayb noogu deeqay”