Siyaasiyiin iyo Aqoon yahan Tageero ballaadhan u muujiyey Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka

SIYAASIYIINHargeysa  (SLpost)- Guddoomiyihii Ururkii ku hadhay Qiimayntii Guddida Diiwaangelinta ururrada siyaasadda ee NUUR, Siyaasiyiin iyo aqoon-yahan kala duwan, ayaa ka hadlay mawqifkooda ku aaddan Golaha Wada-tashiga ee dhawaan Hargeysa lagaga dhawaqay.

Axmed Sandoon Xasan, Axmed Cabdillaahi Asaari, Dr. Maxamed Muuse Cawaalle, Aqoonyahan Maxamed Yoonis Cubeed, Cabdikarin Baande, Axmed Odowaa Cigaal oo maanta shir jaraa,id ku qabtay Huteelka Xaruf ee  Magaaladda Hargeysa, ayaa taageeray ku-dhawaaqista golahaas oo ay sheegeen in ku dhawaaqistiisu salka ku hayo siyaasiyiinta bud-dhigga u ahayd oo shaki wayn oo ka qaday Madax-bannaanidii Somaliland.

Safiirkii hore ee Dawlada UDUB u fadhiyey Dalka Itoobiya Yuusuf Jaamac Buraale oo ugu horayn halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in waddamo taageeri jiray qadiyada Somaliland ay ka niyad jabeen, waxaanu yidhi, “Waddamadii ina taageeri jirey waxa ku dhacay niyad-jab, wixii ka soo horjeeday qaddiyada Somaliland oo fursad u helay inay shaaciyaaninaynu ka mid nahay Soomaaliya,shacabka Reer Somaliland ee aragtida mideysan ee mitidka ahayd waxa imika soo galay gooni-isu-taagii Somaliland ay keentey madmadow ka galay jahadii Somaliland ku socotey. Waxay Dhaawac ku tahay arragtida mitidnimada iyo midnimadii ku dhisnayd gooni isu-taaga  Somaliland, ayuu yidhi Yuusuf Jaamac Buraale, waxaanu hadalkisii sii raaciyey ,“Soomaaliya oo markii horeba ka soo horjeeday madax-baanida Somaliland oo aynu inaggu fursad u siinay  ku faafinayaan ama ay ku caddeynayaan inaynu ka mid nahay Soomaaliya.”

Yuusuf Jaamac Buraale waxa kale oo uu sheegay in waddamada qaarkood ay shaki ka galay gooni isu-taagii Somaliland, waxaanu yidhi. “Waddamada qaarkood ayuu shaki ka galay gooni isu-taageenii Somaliland, innaga (Somaliland) ayaa keenay inuu shaki ka gallo bulshada caalamka ee doonaysa inaynu gooni isu-taagno, waxaanu tageeraynaa todobadii qodob ee Goluhu ku baaqay in shir la is-kugu yimaado.”

Axmed Sandoon Xasan oo isaguna halkaas ka hadlay waxa uu sheegay, markii ay qiimeeyeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasada,dhaqaalaaha iyo nolosha bulshada, inay ka qawadeen marxaladaa oo ay baalmareen cidii uu sharcigu u siiyey inay fuliyaan “Markiii aanu qiimaynay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Siyaasadda dhaqaalaha, Nolasha Bulshada waxaanu qawadnay marxalada ay manta marayso oo ah mid ay baal mareen ciddii sharcigu u sii yey, markaa waxaanu u arragnay in Golahan uu yahay mid ay bulshadu u baahan tahay.”

Mujaahid Axmed Ibrahim (Wadne) oo halkaas ka hadlay, ayaa dhaliilay hoggaaminta siyaasadeed ee madaxweyne Siilaanyo, “Madaxweyne wax kale layskuma haystee waa qaranimadii iyo madaxbanaanidii Somaliland, waanad aasaysaa ee halka aad ku aasaysid goob joog ha loo wada ahaado,” ayuu yidhi Muj. Ibraahim Wadne.

SOMALILANDPOST.NET