Siyaasi Xil-suge ah oo U sii Dabbaal-degaya inuu Todobaadkan Madaxweyne Muuse Biixi Magacaabi doono Iyo Isku Shaandheyn la Filayo (Xogo-rasmi ah)

Hargeysa (SLpost)- Xogo hor-leh, oo la xidhiidha inuu Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi todobaadkan gudihiisa Xukuumada ku samayn doono Isku shaandheyn lexaad leh, ayaa kasoo baxaya shaqsiyaad Kamid ah Xil Sugayaal, kuwasoo durba usii dabaal-degaya, isla markaana ku baannaya inuu safka hore kaga jiro shaqsiyaadka loo magacaabayo xilalka dalka ugu miisaanka Culus.
 
 “Haddaad heestaan waa idiin heesaynaa, haddaad gabaydaa waa idiin gabyeynaa, laakiin idiinma oggolin…” – Madaxweyne Muuse Biixi
Shaqsiyaadka faafinaya ama usii dabaal-degaya Xil aan weli loo magacaabin, ayaa waxa Kamid ah Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng Cali Xoor-xoor, kaasoo quud aan weli la gaadhin isku boggaadinaaya.
 
Waxanu taageerayaashiisa maalmihii u dambeeyey ugu bushaaraynayey in loo magacaabay jagada ugu culus ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, waxana halku dhigyadiisii Kamid ahaa “todobaadkan iga eegga safka kowaad adeerayal, si weynbaanu u Kala nimi Muuse, anigu Sannaad waxka badan Kama maqnaado Xukuumadaha, miyeydaan oggeyn”.
 
 
Haddaba, waa kuma Siyaasigan isku sii caano shubayn magacaabista horteed. Cali Xoorxoor, waxa uu muddo ka badan 25 sanaadood ahaa Maareeyihii Dekedda Berbera, waxana lagu xasuustaa dhaqano ay Kamid yihiin musuq-maasuq, xadgudub iyo ku tagri fal xadhkaha goostay.
 
Sidoo kale, Ma jirto tabaalo bulsho ku habsata oo ka weyn kana aafo xun musuqmaasuq iyo ku takrifalka hantida Qaranka ee umadda ka dhaxaysa oo u caanku yahay,
ku takrifalka umadda, mana jirin meel ku takrifalkaasi kaga badnaa Marsada Berbera iyo maamulkeeda oo Eng. Cali Xoor-xoor kow ka ahaa.
 
Eng. Cali Xoor Xoor iyo maamulkiisii dekedda Berbera waxa ay ka mid ahaayeen baraha ugu madow ee dawladdihii Siilaanyo, Rayaale, uguna aayo xumaa, inuu Madaxweynaha cusub ee Somaliland mudane Muuse biixi umada kusoo celiyana, waxay noqon doontaa bar madow oo musuq-maasuq ku taala Xukuumada.