Siyaasi ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo Aafada Sicir-bararka u Nisbeeyey QAADKA iyo Sababaha uu u daliishaday

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Nuur X Xuseen Cumar Xaashi oo ka tirsan Xisbiga talada dalka Haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Maandooriyaha Qaadku ku hayo bulshada, isagoo sababaha ugu waaweyn ee horseedka u ah sicirka bararka dalka ka jira u nisbeeyey Qaadka oo ah badeecad dalka looga iib-keeno waddamada Itoobiyo Iyo Kenya.

Nuur X Xuseen Cumar oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey warbaahinta Bc24tv,  waxa uu ku dooday joojinta ka-ganacsiga iyo soo-waarididda badeecadda Qaadku ay wax weyn ka beddelayso Sicirka bararka dalka ka jira.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN