Siyaasi Ismaaciil Yare oo Madaxweyne Biixi ku dhaliilay Utun-siyaasadeed uu ka tirsanayo oo tabasheeda uu soo gocday

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si shakhsi ah u weeraray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo sheegay inaanu Ismaaciil ahaan u aqoonsanayn Muuse Biixi inuu yahay Madaxweynaha Somaliland, isagoo doodda weedhiisaas u sibir-saaray utunno siyaasadeed oo uu ka tirsanayo.

Siyaasi Ismaaciil Yare oo hore u soo qabtay Xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu sababta aanu madaxweynaha ugu aqoonsanayn Muuse Biixi u cuskaday tabasho gocasho huwan oo uu ka tirsanayo, taas oo uu ku sababeeyey inaanu madaxeynuhu u tixgelin jirin isla markaana u aqoonsanaan jirin xilka wasiirnimo ee uu xilligaas ahaa.

 

Hadalka Ismaaciil Yare kaga bogo muuqaalka Hoose