Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo Sharci-jebin ku eedeeyey Xisbiga Waddani

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa ku eedeeyay Xisbiga Waddani inaanu lexejeclo ka lahayn dalka balse ay u ooman yihiin sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen hoggaaminta dalka oo uu sheegay inay hamuuni u hayso.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo daba-socda dhawaaq ka soo yeedhay Xisbiyada mucaaradka oo xalay dhawaaq dheer ku qaaddacay furitaanka ururrada siyaasadda oo ku muddeysan badhtamaha sannadka soo socda.

“Sidii carruur nacnac loo diiday xalay ayaan arkayey iyagoo cagojuglaynaya oo leh ma dhici karto. WADDANI qaynuunkii ayuu ka booday. Hammuun weyn baa haysee dan waddanka ka haysaa ma jirto,” ayuu yidhi Siyaasi Ismaaciil Hurre.

Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu taageeray furista ururrada siyaasadda oo uu sheegay in wakhtigeedii la joogo, waxaanu ku baaqay in xukuumaddu diyaariso guddiga Kala-saarista Ururrada siyaasadda si loo dhammaystiro hawlaha furista ururrada siyaasadda.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Ismaaciil Hurre.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net