Siyaasi Cali Waran-cadde oo tilmaamay Caqabado horyaalla Xisbiga Kulmiye iyo Sida looga gudbi karo

Boorama (SLpost)- Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, ayaa hadal uu maanta ka jeediyey Madashii Shirweynaha Xisbiga oo maanta la soo gunaanaday, ayaa tilmaamay caqabado u baahan wax ka qabasho oo la gudboon madaxda xisbigu inay wax ka qabtaan si looga gudbo.

 

Cali Waran-cadde waxa uu tilmaamay inay jiraan laba caqabadood oo xilligan horyaalla Xisbiga Kulmiye, kuwaa soo uu sheegay inay ka mid yihiin dhismaha gudaha ee Xisbiga iyo Natiijada ay bulshadu ka filayso inay dalka ku hoggaamiyaan Siyaasadda Xisbiga ee majaha u haysa talada dalka.

 

MUUQAALKAN KA DAAWO HADALKA CALI WARAN-CADDE