Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo loo magacaabay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga hoggaanka dalka haya ee KULMIYE, ayaa afhayeen cusub u magacaabay xisbiga, kaddib markii xilkaasi muddo dhowrsanno ah bannaanaa.

Xilka Afhayeenka Xisbiga Kulmiye waxa hore u hayey Wasiirka Qorsheynta Somaliland Xasan Gaafaadhi oo wixii ka dambeeyey muddadii uu xilka wasiirnimo ka qabtay xukuumadda madaxweyne Biixi aanay jirin cid kale oo Xisbigu u wakiishay xilkaas.

Xisbiga Kulmiye waxa uu afhayeen u magacaabay Siyaasi Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo ah siyaasi dhallinyaro ah xilal ka soo qabtay xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Wareegto uu maanta soo saaray Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u dhignayd sidan:-