Sisi oo codsi u diray Saxaafada Madaxabanaan Masar

Masar (SLPOST) Hogaamiyihii militariga Masar ee imika u taagan xilka Madaxweynaha Cabdifatax Al Sisi ayaa kulan khaas ah shalay (Khamiis) la yeeshay tafaftirayaasha Jaraa’idka kasoo baxa wadanka Masar.

Sisi_090514

Sisi ayaa ka codsaday saxaafadda gaar ahaan jaraa’idka faraha badan ee wadanka Masar in aaney ka hadlin arrimaha Musuq maasuqa oo ay wakhti siiyaan dowlada inay hawsheeda gudato.

 

Sisi ayaa sheegay in aan loo baahneyn in saxaafada Masar ay buun buuniso falalka musuq maasuqa, balse laga doonaya inay kala shaqeeyaan dowlada sidii loo illaalin lahaa Qaranimada Masar.

 

“…Maaha in shacabka laga buuxiyo warar cabsi gelin ah iyo waliba dhaliilo ku toosan dawlada…”ayuu yidhi Sisi oo la hadlayey tafaftirayaasha jaraa’idka ugu caansan wadankaasi Masar.

 

Sisi ayaa sidoo kale sheegay in saxaafada aaney isku mashquulin inay mar walba ka hadlaan xoriyada saxaafada iyo xaquuqahooda.

 

Sisi oo la filayo inuu kusoo baxo doorashooyinka ka dhici doona dalka Masar dhamaadka bishan ayaa sheegay in looga baahan yahay saxaafada hadii ay wax khaldan arkaan in aaney shaacin balse si hoose ugu sheegaan dawlada.

 

Codsigan ama digniintan ayuu Sisi u gudbiyey saxaafada Masar oo in muddo ah cadaadis iyo cabudhin xoogleh kala kulmayey dawlada iyo Militariga Masar.

 

 

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland