Sirdoonka Mareykanka Oo Lasheegay In Taleefoonadda 123-Madaxweyne Dhagageystaan

USA(SLPOST)Waxaa sii kordhaya taleefoonada loo dhaco ee sida qarsoodiga ah loo dhageysto gaar ahaan madaxweynayaasha adduunka ee ku kala sugan daafaha caalamka kuwaas oo marba marka kadambeysa kuwo c usub la ogaanayo,

Mareykan-2

kuwaas oo hadda kor u dhaafaya dhowr boqol oo xubnood oo isugu jira madaxweynayaal ,ra,iisulwasaarayaal iyo guddoomiyeyaal baarlamaan,waxaana markan lagu soo daray liiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Wargeyska ka soo baxa dalka Jarmalka ee Der Spiegel cadadkiisa doraad  ayaa waxa lagu soo daabacay inay Hay’adda NSA-da Maraykanka xafiday in ka badan 300 warbixin dhegeysi ah oo ku kaydsan Xogta Kaydka ee Khaaska ee Telefoonada la dhageysto

Xog-kaydiyaha Khaaska (a special databank) ee Hay’adda NSA ay fariimaheeda ku duubto ayaa kujira sida wargeysku sheegay tiro Hoggaamiyayaal Qaran oo shisheeye.kuwaas oo teleefoonadooda la dhageystay lagana duubay xogo kala duwan iyagoo aan ogeyn sida wargeysku sheegay.

Wargeyska Der Spegel waxa uu cadadkiisa doraad  lagu soo bandhigay Dukumentiyo uu soo ururiyey Qandaraaslaha Maraykanka ee baxsadka ah, Edward Snowden, oo mar la shaqeyn jirey Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka ee NSA.

Xog-kaydiyaha Telefoonadda ee ay Hay’adda NSA ka ururisay qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Caalamka ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Dowladda soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud safka hore kaga jiro.sidoo kalena Hoggaamiyayaasha kale ee Warbixinta Wargeyska Jarmalka lagu soo daabacay waxaa kujira  Madaxweynayaasha dalalka Peru, Belarus, Guatemala iyo Colombia.

Bilowgii bishan, Mudanayaasha dalka Jarmalka ayaa isku raacay in la bilaabo baaritaan lagu ogaanayo Hawlaha Sirdoonka ee Hay’adda NSA iyo Hay’addo kale oo shisheeye oo ka shaqeeya dhinaca Sirdoonka,waxayna Mudanayaasha Barlamaanka Jarmalka ay si gaar ah u codsadeen in dabagal lagu sameeyo codadkii haweeneyda Ra’isul-wasaaraha ka ah Jarmalka, Angel Merkel  laga duubay Telefoon-gacmeedkeeda (cellphone), kaasi oo sannadkii hore la shaaciyey.

Dacwad-oogayaasha Federalka Jarmalka, waxay kale oo ka baaraan-degayaan haddii ay baaritaan u khaas ah ka furayaan Dhaqdhaqaaqyadda Xog-dhegeysiga ee Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA) ka wado Jarmalka iyo guud ahaan Caalamka

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland