Halkani waa Yurub, dhulkii in loo dhinto u qalmaayey. Masaajidka gurigayga ugu dhaw waxaa loo lugeeyaa 60 daqiiqo, haddii aanay kaba badnayn. Bas iyo tareen marka loo raaco, waxay qaadanaysaa illaa 20 daqiiqo. Mar aan suuqa joogo mooyee, salaadda guriga ayaan ku tukadaa, maalinka jimcaha marka laga reebo. Dadka in yar mooyee, sidaas ayaanu wada nahay. Maanta salaaddii jimce waxaa noo galay nin dhallinyaro ah; soddon jir qiyaastii. Shaadh gacmo gaab ah iyo surwaal shiingey ah ayuu xidhnaa. Ducadii yarayd ee lagu furfuri jiray khudbadda, oo aan waliba dhammayn, ka dib wuxuu khudbaddii ku bilaabay kuna dhammeeyey Af Jarmal. Meesha aan ku noolahay waa Fiyeena, waddanka Ustari. Waxaan soo xasuustay mar aannu Kampala joognay oo masaajid ku dhex yaallay jaamacadda aannu wax ka baranno, aannu ku tukan jirnay. Af Ingiriisi ayey khudbaddu noogu bixi jirtay, waayo arday kala jinsiyado ah ayaa meesha ku wada tukan jiray.
Masaajid kale oo ay gacanta ku hayaan qolo Maqribiyiin ah, waa Fiyeena dhexdeedee, khadiibku suudh wax aan ahayn khudbadda jimcaha kuma galo. Khudbadihiisa oo dhan waa siyaasad. Waxaa jira masaajid Sucuudigu dhisay oo aad iiga fog. Iidaha ayaanu inta badan ku tukanaa. Sideedaba, eedaanku waa mamnuuc. Dad hurda ayuu xuquuqdooda meel kaga dhacayaa oo hurdada ka kicinayaa. Kiniisaddu, ugu yaraan, laba jeer ayey maalintii qaylisaa, waddankeedii ayey joogtaa. Diiggu ma ciyo, waa la talaaley ama la dhufaanay, laakiin inta badan guryaha ey ayaa jooga, wuuna iska qayliyaa marka uu doono.
Maadaama oo aan eedaan jirin, salaadaha waxaa laga eegtaa internet-ka iyo waraaqo masaajidada laga soo qaato oo jadwalka salaaduhu ku qoran yahay. Dhammaantood, jadwallada masaajidadu, way is wada khilaafsan yihiin, internet-kuna shaqaba kuma laha. Mararka qaar waxaa u dhexeeya farqi soddon daqiiqo ku dhaw, xagga salaadaha. Haddii bisha ramadaan dadka ashahaadanaya suuqyadoodu (tusaale ahaan Hargaysa) maalintii dam yihiin, halkanna waa cagsiga. Waa xagaagii, waqtiga shaqada iyo ganacsiga ugu badani socdo. Wax ku dhaw 70% dumarka, saddex meeloodow hal meel ayaa jidhkoodu daboolan yahay.
Sidaa darteed waa inaad gurigaada dhex joogtaa, haddii aanad shaqaynayn. Qiyaastii, ajarkayaga oo silic ku nool ah, ayaanu shan lix saacadood uga soon badan nahay qolyaha jooga dalkii iyo meelaha la midka ah. Aan kuu raaciyo wax kale oo aan ogahay in aadan waligaa ka filan dhulkan dunida loogu jecelyahay. Waqtiga xagaaga marka ay gaadho, guri kasta duqsi ayaa bowda ka haya. Waa been, ha rumaysan haddii lagugu yidhi duqsigu waa Afrikaan iyo dunida kale ma joogo. Noociisa kala duwan ee aad taqaanaa halkanna wuu joogaa. Kaneeco ka shilis teenii ayaa sidoo kale waqtigan dadka diirata. Wali cid ay soo ridday lama arag. Runtii cid ba ma soo riddo, waayo sida diigga loo dhufaanay ayaa iyadana loo guday oo ma leh sun ay xanuun kugu qaadsiiso.
Magaalooyinka iyo waddanku toona ma leh qashin meelahaa yaal. Dhab ahaantii aad ayay isaga basriyeen, meel kastaana waa nadiif. Nadaafaddaas, wadooyinka oo dhisan iyo dhismayaasha dhalaalaya iyo fooqyada quraaradaha ka samaysan ayey soogalootiga, gaar ahaan doqonka aniga oo kale ahi, la ashqaraareen. Iyada oo ay sidaa tahay, haddana mararka qaar guryaha waxaad ku dhex arkaysaa wax taa kaa duwan. Guri aan maalin booqday, madbakhoodu wuu qarsoomay siduu u dhammaa. Weelka, qasabadda biyaha, kabadhada maacuunta iyo khudaarta lagu guro, waxaa qarisay baranbaro reer Yurub ah. Umay madoobayn sida ta dalkii joogta ee saxaradu dubtay, midab cas oo qurux badan ayey lahayd. Laakiin wuxu waa baranbaro, danaheeda ayey u midab castahaye. Guryaha noocaas ah dawladdu ma oga. Aqalkii waxaa lagu arko cidda leh ayey ka go’antahay oo samada loo la baxayaa. Reer Yurub xil gaar ah ayey iska saareen bini’aadanka iyo bini’aadantinimada. Lama oggola cidna in masuuliyad darro, dheel-dheel, sabab iyo sabab la’aantoona wax ku gaadhaan.
Waxaanu kaloo leenahay, ma badna e’, jiir. Inta badan isaga lama arko, meel lagu ba’ay mooyee. Waqtiga aan qormadan yar malmalluuqayo, waxaa ii muuqata guri iga soo horjeeda daaqaddiisa. Daaqaddu waxay ku taallaa dabaqa labaad. Daaqaddaa waxaa guri ka samaysatay caaro.
Gaajadu ma taalo meelo gaar ah. Jarmalka indhaha buluugga ah leh, magaaladan aan ku noolahay iyo, waliba, inta badan Yurub, marka aad dariiqa marayso, waxaad marar badan arki doontaa dawarsadayaal suuqa badhtankiisa moqorofad la wareegaya oo ‘liibaana’ ka leh. Haddii wax kugu yidhaahdeen Afrika ayuu faqrigu yaallaa, haddii aad qurbaha aadana dhiisha faqriga waad tuuri, biyo nagaga dar dheh, waayo been ayaad aamintay. Dhiishaada hore adigoo tunka ku sita, ayaad gacmahana ku qaadan doontaa dhiilo kale; nasasho la’aan, orod joogto ah, cunsuriyad dadban iyo isku buuq ayaa ka mid ah haamaha halkaa yaalla. Dadka halkaa ku dhaqan, gaar ahaan kuwa u soo haajiray, laba cadaabood oo cimiladu dihatay ayay ku dhex noolyihiin; cadaabta kulaylka xadhkaha goosta iyo ciqaabta barafka arxanka daran. Akhlaaq, damiir iyo suubbanaan kabaha lala dul maray, halkan ayaa laga helaa. Qoomu Luud waligaa waad maqli jirtay, laakiin mid ayaa hubinta ah. Dhul Soomaaliyeed in aanad ku arag nin la koro, waa hubinta. Laba dumar ah oo tareen isku dhex jaqaya adigoo la yaabban waxay kala faa’iidayaan, ayaad suuqa badhtankiisa ku arkaysaa laba nin oo afka iyo farahaba iskula jiray. Way is qabaan ama waa saaxiib.
Xayawaan ama cayayaan, sida jinac duulaha, maska iyo masacagalayda mooyee, laga yaabee in ay sheeko kugu noqoto qof nool oo miyir qaba ayaa soo bannafa. Maalin ayaan xasuustaa aannu tareen la soconay. Caddaan iyo madaw, qof qudha oo xamila waa la waayey, markii dambena waanu ka wada degnay. Hal nin oo caddaan oo sidii neef bakhtiyey nolosha ku uray ayaa nala saarnaa. Darbijiifka aad dhulka Soomaalida ku aragtay qaar taxadka ka sii xiga oo dhalad ah, ayaa Yurub oo dhan ka buuxa.
Halaagga tahriibta iyo hoogga laga maro kollay waad ka dharagsan tahay. Soomaali badan oo bayhoofkaas soo martay, markii la qaabiley, sharci iyo meel ay deggaanna la siiyey, waxay noqdeen dad baaba’ay oo habaar ku habsaday. Caydha la siiyey, oo macaheedu ahaa ‘ku meel gaadh ahaan isugu dabbara inta aad waddanka la qabsanaysaan ee shaqo ka helaysaan’, ayay ku iibsadeen nolol lagu sheegi karo ‘xayaatu kalab’. Reero badan oo burburay iyo carruuro faddaroobay oo gaalo raacay ama la qaatayba, waxaa loo tiriyaa muran iyo iimaan la’aan labada waalid ka qaadeen caydhaas. Xooggii, cududdii iyo caqligii da’ yarta ummadda Soomaaliyeed ayaa ku maqan oo kulmay dhulkaas. Qaar badan ayaa habeen iyo maalin khamriga ayay fuudaan. Ku dhaaran maayo, laakiin waxaan hubaa, in dadkaas qarash badani ku soo baxay si ay halkan u soo gaadhaan. Magaalada Fiyeena, dhallinyaro rag ah, ayaa liisanka markiiba qaatay. Hadhka cad ayay khamriga meesha ay doonaan sida ay doonaan ugu cabbaan. Sababo badan dartood, maanta waxaa aad isu soo taraya Soomaalida diinta ka baxaysa. Xaqiiqada dhulka taalla, ayay intan yari ka tahay boqolkiiba hal wax ka yar.
Ugu dambayntii, anigoo sidaa kuugu warramay, ha i waydiin waxa aan anigu Yurub ka qabanayo. Waa su’aal aan jawaab lahayn.
Khadar Cabdi Cabdillaahi (Faraskacad
Kala xidhiidh faysbuug:
Bahada Hiilqalin