Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 20 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe

DEELEY DAREENLEY
RAG ALLOW MADOOXAA
MA DILAACIYAA NABAR
Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .
Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.
UDUB WAY TAGEYSAA EE HATAHRIIBINA
TAARIIKHDA DUUGA AH
ABIDKEED ISDABA TAAL
AAN IDIIN TILMAAMEE
HOOY TAYAA LAYSKU DHAAFOO
WAA LEYS TIRSANAYAAYE
TOLOW YAA INOO MAQAN(Ereyadii: Jamaal Liibaan)

Horta wali miyeynu iswaydiiney halka uu Tahriibkani inaga soo galey? Xiligii uu inagu bilaabmay iyo sababta keentey ? Hadeynu intaa is waydiino wax yaabo badan oo inaga murugsan ama qasan ayeynu garanlaheyn oo aynu sixilaheyn hadaynu shacabka nahey aan idin Tusaaleeyo si aad uxasuusataan una garataan.Xiligii doorashada lagaga adkaadey Siilaanyo ee 2003 ayaa uu inagu bilaabmay taasi oo uu ahaa waxyaabihii uu dhalinyarada dhexgaliyey oo uu ina huluuqsiiyey si hoos ahaana dhalinyadara isaga iyo kooxdiisu waxay odhanjirtay wadankii camal kamajiro dowlada Riyaale waxba dhalinyarada uma ogola waana Aafooyinka aynu ka dhaxalney markii uu inagu soonoqdey Siilaanyo ee uu ka yimi dalka UK isagoo mar inoo sheegey inuu Siyaasada Faraa ka qaadey.
2003 Dhalinyarada wadanka ka baxdaa may fogaanjirin ama umay badheedhijirin inay bada isku muquuniyaan ee waxay tagijirin wadanka South Afirica oo markaa ay utagijireen qaar waxbarsho qaarna uxoogsi tagi jireen ,qaarkale waxay tagijireen wadanka Pakistan oo ay iyaguna shaqo halkaa mataalo oo dadka udhashaaba ka yaacee waxbarasho .Markaliya ayuunbaa 2005 laysla oogsadey in xagaa iyo saxaaraha loo kaco oo ay bada isku muquuniyaan iyagoo Siilaanyo iyo kooxdiisa bilaa karaamada ahi ay dhalinyada lasoo dhexgaleen mixnadaa tahriibka .Waxaan daba gal kusamayney bal intii xukuumada Riyaale wadanka hogaamineysey inta dhalinyaro ee soo Haajirtay Somaliland iyo inta Sadexdan sano ee xukuumada bilaa karaamada ahi heysatay ,2003-2010 Dhalinyarada caalamka uga haajirtay Somaliland waxay noqdeen 32687 dhalinyaro ah waxaana ku geeriyoodey 243 dhalinyaro ah inagama go’aan intaa dhalinyaro ah ee inaga geeriyootey.Bal ufiirso sadexdii sano ee uu Siilaanyo wadanka hogaaminaayey inta baxdey dhalinyaro eek a haajirtay markii ay dowladii laheyd UDUB WAY TAGEYSAA HATAHRIIBINA ka waayeen balan qaadyadii markii ay lakulmeen dhalinyaradu qabyaald ooda soo jabisey markii ay arkeen in xukuumadani iyadiiba ay isku murugsantay ayey dhalaankeenii haajireen 2010-2013 waxaa dalka Somaliland ka soo Haajirey dhalinyaro tiradoodu tahey 87421 dhalinyaro ah waa sadex jeer lab 8 sano ee uu Riyaale wadanka hogaaminaayey imsaa dhalinyaro ah ayaa inagaga dhintay ama ku le’dey/ku geeriyoodey haraad, bada,jeelal iyo qaarkaloo jidhkoodii iyagoo nool intii ugu muhiimsanayd lagala baxay ,qaar aan ilaahada meel raq iyo ruux lagu sheego aan laheyn oo ay tiradoodu dhantey 4753 miyey inaga go’aan. Maanta imisaa jooga Liibiya reer Somaliland ah waxaa jooga dhalinyaro aad ufarabadan ku dhawaad 2000 dhalinyaro ah oo udiyaara dhimasho iyo nololba .
Caamir waa saleelee anaa haatan caymadi taad maqashaaba mid kasii darane dhalinyaradaa wadanka kazoo haajiraysey sadexdii sano ee ugu dambeeyey xumaantii ay ka soo qaadeen intii xukuumada Siilaanyo heysatey oo ay dhalinteenu ka soo dhaxashey xiligii 2010 ka horeysey dhalinyaradeenu markay wadamada saxaaraha yimaadaan waxay isku baheysan jireen ama doonta uraacjireen wada jir reer Somaliland ka kayimi Qow ilaa Ceelaayo inata udhaxaysa maanta ma maleyneysid sida ay ukala fogaadeen lasoco ooh al cadow ayey wadalahaayeen maantan jifooyin ayey saxaaraa ukala fadhiyaan oo iskama naxaan awalna waa leysu hiilinaayey waana waxyaabaha aynu Siilaanyo ka dhaxalney doonyaa marka la raacayo waxaa loo raacaa Reero,Ardaayo,Habro iyo inta isku dhow oo meel isku urursata oo adigoo reer Qudhac ah hadaad raacdo doonta ay ubadanyiin reer Galool markay xaaladu adkaato ee ay dabaylaha badu kacaan ee ay baaxaadagto ama ay culeys dhaafto laguu niximaayee waxaa leyswaydiinayaa yaa inagu dheerada deedna ilayn adaa reer Galool ah oo reer Qudhac soo raacee adaa bada lagugu tuurayaa ,taasi waaba saleelo ayaad odhaneysaa marka ay reer Qudhac isku soo hadhaan midba midkuu ka itaal waynyaa lagu tuurayaa bada oo iyaguba naf iskuma hayaan waa waxyaabaha ay kala yimaadaan ama ka soo barteen xukuumada Siilaanyo ee ay dadka bartey waa wax aan horey loo arag meedey balantii Siilaanyo ee aheyd dhalinyarad Tahriibaysa ayaanu camal usamayneynaa Wuxuu na baray waxa uuna badey ayaa nagaga xun .Shacbiga ayey been intaa usheegaan iyagoo raba inay mar uun uun kursiga ku fadhiistaan imisaa dhalinyaro inaga dhimatey miyeynaan dib uxisaabtamay mise waxaynu nahey dad kolba wax lagu mada daaliyo lama ilaawikaro waxaad ka naxeysaa marka laguu soo sheego Hooyo Caruurta ay la soo tahriibto oo Naaska walijaqaaya Dumar ama Haween dhaliyaro ah oo naftooda soo miidaaminaya ama soo maqiiqaya dhalinyaradii Jaamacadaa dhameysatey oo markay camal waydey xukuumaduna jihayntoodii udhaqaaqi waydey oo soo Haajiraaya
TOBNAAN HALYEEYIYO
TIDCAN TIMO HALDHAALEY
TOOS LOOGU WAAYOO
TIIRAANYO EHELKOOD
ILMO TAABTEY DHABANKEE
TALO MAYSKA YEELNAA(Ereyadii: Jamaal Liibaan)
29/09/2011 Goor ay saqdhexe tahey oo ay dadka muslinku seexdeen inta qaaradaa kale joogtaana ay markaa gogosha hurgufaneyso oo ay udiyaar garoobayaan iyaguna inay seexdaan ayaa waxaa ka yaabiyey Madaxweynhii dhamaa xili aan la filayn tvga lasoo fadhiistay kalmado aan raga lagu aqoon oo aynu inta badan ka maqalno Haweenka ama Gashaantimaa oo markay is caayaan waxa ay layidhaa ama somalidu odhanjireen inaga daaya GAMBO YARE marka hadaladaa laga maqlo yaab! Fajiciso ah ayey noqotey madaxweyne Siilaanyo oo lasoo fadhiistay xiligaa UF UF UF baa leydinyidhi Cali waran cade iyo ina Sulubow idina markii aanu doorashadii idinkaga adkaaney ee umadu iska kiin fahantey ee la ogaadey Musuq maasuqii aad gaysateen dambigii aad shacbiga ka gasheen iyo dunuubtee ee laydin nacey ayaad meelahaa ka hadashaan waliba waanu idinsaamaxney ,maanta waynu arkaynaa oo kuwii uu inagu lahaa waa musuqmaasuaqa aabahood ayuu Xil kii dib ugu wada magacaaney MAYNAGAA WAALAN MISE CADAN AYAA LAGA HEESAYAA .Rakaabkii Udub ee uu lahaa waa raga wadankii cuney ee uu ku taamaayey sowkaa soo wada celiyey bal Cali Xoorxoor oo uu lahaa waa Aabaha musuqmaasuqa ayaa uu soo celiyey waa Cali warancade iyo niman aan xilalka uu dhiibayba uqalmin oo layaab ah ,midiba mid kadarane bal waxaynu maqalney dhawaan in Somaliland uu kusoo batay KUFSIGA ay dhalinyardu ugeysato Hablaa oo dhawaan loo xukumay 21 Dhalinyaro ah iyadoo aynu taa maqal oo ay warbaahintu inoo soo gudbisay ayaa waxaa iga yaabiyey oo aan ka akhriyey mareegaa internetka wasiir inan xafiiskiisa ku dhex taataabtey JIDHKEEDA waxaaba ka siiran ka layidha gabadh yarbuu isna KUFSADEY lasoco oo waa wasiiro markaasaa waliba layidhi markii ay inantii dacwadii geysey maxkamadu way meermeeriyeen oo maalinkasta way ku soo noqotaa oo dhagba looma jalaqsiin miyeynu aragney xukuumadii hore arimo noocan ah dee jaawabta qofkastaa waa uu heystaa .
Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto bal ufiirsa oo waxaynu maqalnaa Agaasimayaasha guud Digreeto ayaa lagu soo magacaabay oo xilka waxaa ka qaada madaxweynaha bal ufiirsa oo Wasaarada diinta iyo qaafta Agaasimeheedii guud waxaa dhawaan Xilka ka qaadey Sheekha Khaliilka wasiirka ka ah kaaga siidarane madaxweyne Siilaanyo isagoon talaabo arinkan ka qaadin sharcidarada ah ayaa Sheekhu u anba baxay XAJKA waxa uu wasaaradii usii Tiriyey Wasiir Sacadka Qorshaynta heysta waabu tirsadey xilkii isagaaba la wareegey Sheekhu marka horeba xil maheyn oo Ramadaanta iyo labada Ciidood ayuunbuu sheegaaye .Waxaad ka maqleysaa dadka Sacad Cali Shire waa aqoonyahan aqoonta ay sheegayaan meeday ma ninka la wareegey meel sharci daro Agaasinkeedii layidhi waa lagu bedeley ,maxaa xigay waxaad ka dambeeyey oo aad maqashey in wasiirka cadaalada iyo Agaasinkiisii guud xafiiska isku xidheen kuna dagaalameen oo uu xilkii ka qaadey dibadana uga saarey Waa Ina Caydiide intuu xailka ka qaadayo ee uu qaladkan aan sharciga aheyn sameynaayo miyuu ka hadlo wasaaradiisan qayb markii lagu arkey inay dux ama dhaqaale ay yeelaneyso la hoosgeeyey Madaxtooyada miyaanu ogeyn marka horeba cidluu fadhiyaa oo waxa uu horjeege ka yahey labada Xabsi ee Hargeysa iyo Madheera’e .
BARO SACAD CALI SHIRE
Sacad cali shire uma joogo ama xilka uma hayo inuu shacabka wax ku soo kordhiyo ee nin ayuu ushaqeeyaa una joogaa meesha waa ninka Siilaanyo ululey inaynu Somaliya wax kaga qaadano Dowlad goboleed ahaan waa ninka si hoos ah ula socda Somaliya ee lacagaa Qaadhaanka ah sidii ay Xukuumadan bilaa karaamada ah usoo gaadhilaheyd sameeyey waa ninka Shirkasta oo Somaliya ah udira Ergay usoo dhageysta shacbigana waxay ka dhaadhiciyaan in aanay ka qaybgaleyn markaa Aqoonyahan maaha ee waa waxay somalidu odhanjireen waa ABRIS oo isagoo aamusan ayuu ku dilayaa waxaanad uheysataa daacad. Maxaad ka taqaan wasiir Maxamed C/laahi wasiirka Ganacsiga inyar Ayaan isna kuu tilmaamayaa waxaynu maqalney in uu bari dhawayd ka qayb galey Shir dhaqaalaa ah oo ka dhacey dalka Kiiniya oo Somaliya Gadhwadeen ka aheyd ilayn ajandaaba kumaynu jirine waa maxay sababtu sababtu waxay tahey Maxamed C/laahi waxa yahay nin ay dowlada Talyaanigu Sanadii 2008 Shir lagu qabtey oo ka horeeyey kii ka dhacey 2009 dalka USA ee ay Somaliland ku sigatey inay qaranimadee da ku waydo ka horeeyey waxaanu shirkan Maxamed 2008 Talyaaniga ku soo qaatey mashrruca burburinta Gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland waxaanu qaatey lacag horumaris ah iyadoo aanay aad Siilaanyo isugu dhawyn .
Maxamed C/laahi ayaa shir lagu qabtay Washington 2009kii waa shirkii Somaliland ku sigatay inay ku waydo madax banaanideeda. Waa kii ay ku aqbashay maamul goboleed. Shirkani waxa uu ahaa talo dowlada maraykan ay lahayd kadib marki CIA du report ay ka soo diyaarisayay kagana warantay sidii colaadaha, argagaxisada, iyo budhcad baddeedka mandaqada ka taagan loo soo afjari lahaa.waxa la isla qaatay in la sameeyo -Reginal approach -ama sidii gobol gobal loola macaamili lahaa qaybaha kala duwan ee Soomalida. Waxaana talo ay ku soo jeediyeen in la sameeyo wax loogu yeedho Regime Change oo baryahan dambe qayb wayn ka ah siyaasadaha dibada ee Maraykanka.Qorshahan waxa ka mid ahaa in Abdilahi Yousuf, in gabadh madow oo Maraykan ahi, Airportka Niarobi kula kulanto, una sheegto in u is casilo. inkasta oo aanay dadku aad u dhaadin waxa jiray in dowladaha reer galbeedku ay dabada ka riixayeen in Kulmiye ku guulaysto doorashada Somaliland. Danaha Maraykanku ay ka lahaayeen Siilaanyo way caddaayeen, kadib markay arkeen in Ahmed ahaa Gudoomiyihii SNM, in Ahmed yahay aqoon yahan caan ah oo bulshadana sharaf ku leh, in Ahmed ka so jeedo qabaa’ilada waawayn ee Somaliland waliba kuwa ay ku adagtahay qadiyada gooni isutaagu, waxa u cadaatay in Duqani yahay kii meel marin lahaa qorshahooda ay la damac sanyihiin wixii la isku odhan jiray Somalia.Maadaama Ameerikaanka ay u cadayd danaha ay ka lahaayeen heshiiskan, waxa aynaan wali garan maxay ahayd danaha Axmed Siilaanyo kalahaa in uu sexeexo maamul goboleed?. Dadyowga Soomaaliyeed meelay joogaanba waxa dhacda in hadba cidii maamulka u haysaa ay ku takri fasho dhaqaalaha ummada, in ay ka leexdaan qawaaninta, in ay xoriyadtil qawlka cidhiidhi galiyaan . Maalintaas ayaa Siilaanyo iyo Maxamed C/laahi laysku soo darey waxaana uu maxamed C/laahi Shirka Kiiniya ee dhaqaalaha barigii dhawayd uga qayb galey waxa uu soo qaatey lacagta intii uhadhsanyd maadaama uu maxamed ku guuleystey Shirarkii ay ka mid ahaayeen London iyoTurkiga cidna ugama qaybgalin ee waxa uu uaga qayb galey Naftiisa waa waa nin hada Malyanneer ah markii uu arkay Maxamed C/laahi in ay Dhwaan soo socoto Ceebo hor lihi waxa uu codsadey in uu madaxwaynuhu ubadalo wasaarada ganacsiga oo uu waliba raaciyo MAAL GASHIGA .
Axmed Siilaanyo marka uu is yidhaa Shacbigii xukuumadiisan bilaa karaamada ah way soo fahmayaanba waxa uu bilaabaa sheeko cusub bal ufiirsa oo si aan leysugu meeraysto waxa uu bilaabay markii Shirkii London iyo kuwii Turkigu bilaabmeen ee Shacbigu dhagta taagay

Liibaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lasoco………………..