M/weyne Siilaanyo Oo Shaaciyay Inaanay Aqbalayn Goleyaal Sharci darro ah oo La abuurro

“Kuwaasna (madasha wada tashiga) Dhegaysan Mayno way iska Qaylin Doonaan Dal Dimuqraadi ah ayaynu nahay, yaan Dheg loo Raaricinin”

“Axsaabta waxa Loogu Tallo-galay inay Dhaliilaha jira Sheegaan, Inta Badanise been bay sheegayaan,laakiin ummaddu runta way wada ogtahay”

“Waxaanu jecel nahay inaanay shacbigu ka Aamusin ee wixii Sharci darro ku Dhaqmaya ay mawqifkooda u cadeeyaan”

 

Burco (SLpost) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in dalku yahay qaran dimuqraadi ah, hase yeeshee aan la aqbali doonin cid sheeganaysa wax sharci darro ah.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu sheegay in la ogol yahay in axsaabta siyaasaddu ay sheegaan wixii dhaliil ah ee dalka ka jira, hase yeeshee aan loo baahnayn inay shacbiga been ku hurgufaan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay caawa kulan balaadhan oo uu Huteelka City Plaza ee magaaladda Burco kula yeeshay cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer, kulankaasi oo lagaga hadlayay sidii la iskaga kaashan lahaa shacbi iyo xukuumadba mashaariicda horumarineed ee ay xukuumaddu ka fulinayso dalka.

siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay shirkaasi ayaa soo dhaweeyay tallooyin kala duwan oo cuqaasha gobolka Togdheer ay u soo jeediyeen xukuumadiisa, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi yidhi “Hadaladdii iyo tallooyinkii aad ku hadasheen waanu qaadanaynay, waanu qoranaynay,Mashaariicda aynu maanta gobolka ka dhagax dhignay iyo kuwa innoo soo socda ee dalka dhinac walba gaadhsiisan waa waxyaabaha loo baahan yahay in dalka iyo ummadda loo qabto, waa laga yaabaa awooda dhaqaale aynaan mar qudha aynaan wada heli Karin, hase yeeshee kolba iyo meel walba in baynu ka bilaabi karnaa. Qaarba wax baynu ka dhaqaajin karnaa imikaba qaar baynu dhaqaajinay, qaar waynu fulinay oo way nu dhammaynay, qaar meel wanaagsan ayay marayaan iyo qaar aynu niyadda ku haynaa intuba way jirtaa.laakiin waxa muhiimka ahi mar walba waa midnimadeenna iyo wada jirkeena.”

“Dabcan dal dimuqraadi ah ayaynu nahay, axsaab baynu leenahay, axsaabta waxa loogu tallo galay inay dhaliilaha jira sheegaan, waa la tartamayaa, siyaasad ayaa lagu tartamayaa, inta badanise been bay sheegayaan,laakiin ummaddu runta way wada ogtahayoo. Inta axsaabta ku jirtaa wax ma wada ogee, shacbigu laakiin wax buu wada ogyahay oo wixii xaqaa’iq ah wuu ogyahay, wixii qabsoomayna way ogyihiin. Wixii aan qabsoomin ee baaqdayna wuu arkayaa,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in cidii sharci darro ku socota aanay xukuumad ahaan ka yeeli doonin, waxaanu yidhi “In la isku tilmaamo oo si fiican la iskugu tilmaamaana way fiican tahay.annagu dadka mucaaridka nagu ah waxba u sheegan mayno, kuwa sharci darrada ku shaqaynaya ee Goleyaasha aan sharciga ahayn ee dalka xumaanta la doonaya.kuwaas waanu u sheegaynaa oo wixii sharci darro ah ka yeeli mayno, kana socon mayso.”

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaanu jecel nahay in shacbiga iyo ummaduna nagu taageeraan. Waxaanu jecel nahay inay Ha’yadaha sharci darrada ku shaqaynaya inay mawqifkooda si cad ugu sheegaan ayaanu jecel nahay.”

Md. Axmed Siilaanyo waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay kooxda la baxday madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo naqdiyay socdaalkiisa goboladda Saaxil iyo Tog-dheer, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ragaasi aan sheegayo qaar baa waxay yidhaahdeen Madaxweynuhu muxuu Burco ka doonay oo uu u fadhiyi waayay Hargeysa.waxaan leeyahay Burco miyaanay dalka ka mid ahayn oo aanay dadka aan madaxweynaha u ahay aanay ka mid ahayn oo aanay Boorame dalka ka mid ahayn. Ma dalka ayaan ka maqnaa inta aan dal soo marnay inta aanu mashaariic iyo waddooyin soo furnay miyaanay iyo intaanu hawl soo qabanay wax aad iyo aad u badan ayay ahaayeen.

Wax ummadda iyo dawladdu wada qabsanaysay ayay ahaayeen oo aanu aad ugu faraxsan nahay.kuwaasna (madasha wada tashiga) dhegaysan mayno way iska qaylin doonaan dal dimuqraadi ah ayaynu nahay, kuwaas dhegaysan mayno yaan dheg loo raaricinin.”

“Waxaanu jecel nahay inaanay shacbigu ka aamusin ee wixii sharci darro ku dhaqmaya ay mawqifkooda cadeeyaan ayaanu jecel nahay,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ugu baaqay inay si weyn ugu kacaan oo ay ka qeyb qaataan jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo ee uu maanta dhagaxa dhigay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu uga mahad celiyay shacbiga iyo waxgaradka ku dhaqan deegaamadii uu kormeerka ku soo maray ee Saaxil iyo Togdheer sidii waddaniyada lahayd ee ay ku soo dhaweeyeen weftigiisa.

Somalilandpost.net

Burco