Siilaanyo Muu Garan, Manuu Garwaaqsan, Manuu Gorfeynin, Manuu Guddoomin, Mana…

Marka hore waxa aan salaamayaa umada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Waxaan si gaara u salaamayaa Saxaafada Xorta ah iyo Inta Somaliland daneysa ee jecel nabad gelyadeeda, wada jirkeeda, horumarkeeda, iyo wanaag kasta oo Somaliland ku soo kordha.

Marka xiga waxa aan cinwaanka uuga dhigtey qormadan yar ee gaaban; “Ninkii Ragii Wuu Garanayaa, Nacasna Loo Sheegimaayo”. Hadii kalmad aan ka sii afeef dhigto; Mana Geyo Xilka Loo Dhiibey, fadlan ha u qaadanina in aan QABIIL kiisa u jeedo, laakiin isaga ayaan ka hadlayaa shaqsiyan. Sababtana dib ayaan uuga faaloon doonaa.

Hordhac: Wuxuu Siilaanyo yidhi markii xilka loo dhiibey; “Waarimeyside War Hakaa Hadho”  taas oo aan macnaheeda u qaatey, hadii maanta isaga oo Da’da ama Cimriga uu yahay aan xilkii ugu muhiimsanaa umad ahaan aan isaga u igmaney, waxa uu jecel yahay in uu taariikh ka tago, oo wax uu ku faani karo uu umadan uuga tago ama u qabto. Waa sida aan hadalka u fahmey; hadii se ay micne kale oo khariban leedahay, fadlan idinku jawaabteeda ii soo gudbiya. Waxaad se moodaa, balamihii shirkii GAR-ADAG in uu fulinayo, oo aanu aheyn nin umad dhan u ah Madaxweyne, balse sida aan horeba idiinku sheegay, uu yahay nin reer Madax u ah, oo Xilkiisa Qaran aanu dhaafsiisneyn Xaafadiisa ama Habar Jeclo oo ay soo raacaan TolJecle, Cimraan, iyo Sanbuur.

Hore waxa aan idiin ku sheegay, tiraba labadii doorasho ee ugu danbeeyey in Xisbiga Kulmiye Aanu Aheyn Xisbi Qaran, Laakiinse Uu Yahay Xisbi Qabiil. Waxaad moodaa in wixii aan idiinka digeyey oo dhan, durba mudo ka yar laba sano in ay hortiina timid. Waa ayaan daro in dadkeenu qiiro yar oo gaaban oo aan meelna ina gaadhsiineyn, in aan qof iskaga daba cararo, inaga oo aan taariikhdii qofkaas dib u raacin, si aan u ogaano shaqsigaas ama qofkaas waxa aan kala kulmi karo. Waxaan uuga jeedaa danbarkii hashii GAR-ADAG lagu soo lisey caanaheedii weeye waxa aad maanta la yaabantiin ee aad dhameysaan. Idinka oo aan iskaba hubsan, shaxda la idiin maleegayo, ayuunbaad qiiro Madaxweyne Riyaale aad ku diidayseen, aad Xisbi Qabiil codkiinii ku siiseen. Maan la yaabin in intii GAR-ADAG ku shirtey Siilaanyo codkooda siiso, waayo go’aanka shirka ayaa ahaa sidaas, waxaan se la yaabay waxa umada inteedii kale iyana waaley ee ay Siilaanyo oo ay yaqaaneen illaa QAAXO ay ugu codeeyeen “CODKAAGU YAANU CIIL KUGU NOQON”. Waxa hubaal ah in dad badan ay farta dhexda ka qaniinsan yihiin oo ay u ciil kaambiyayaan, “BOORAANTA HADIMO EE CODKOODII ISUGU QODEEN”. Hore ayaa looyidhi “NIN KUU DIGEY KUMA DILIN”. Waxan hada jooga kuli waa arimo aniga iyo in badan oo Somaliland daneysaa aan aadka uuga hadaley wakhtigii doorashada, laakiin Xamaasadii QABYAALADA ee Siilaanyo uu durbaankeeda tumayey ayaa dad badani ku asqoobeen, hada ayaad moodaa in ay KOOMA ka soo tooseen. Maxaa dhacay? Dadlkii Goorma Ayey Sidani U danbeysay? Iyo su’aalo badan oo noocaas ah, ayaa maanta la isweydiiyaa.

Hadii aan hoos ugu dhaadhaco cinwaanka qormadan;

1)      Siilaanyo Muu Garan wixii umadan ay isaga u dooratey. Xilkii Qaranka Uu U hayey iyo kii qabiilkiisa ayaa iskaga khaldan. Hadii aan Odeyga u balbalaadhiyo wixii loo doortey waxa ay tahay; maaha beelaha Somaliland ayaan nabadeynayaa oo Illaahay Naxariistii Jano Haka Waraabiyee Mud. Cabdirahman Tuur ayaa arintaa fuliyey (Dib U Raac Taariikhda Shirarkii Sheekh, Berbera, Burco, iwm.) Odeygu odhan maayo nidaam dawladeed ayaan dhisayaa oo Illaahay Naxariistii Jano Haka Waraabiyee Mud. Cigaal baa taas dhameystiray oo illaa doorashooyin soo gaadhsiiyey. Odeygu odhan maayo Dawladii baan wada gaadhsiiyey dalka oo dhan, nabadana waan sugey. Mud. Madaxweyne Riyaale ayaa taas fuliyey, oo doorashooyin DARAANDOORIYA qabtey (Dib u yara jaleec Doorashooyinkii Degaanka, Baarlamanka, iyo 2 Doorasho oo Madaxweynaha ah). Markaa muugaran Siilaanyo ee waxa loo doortey waxqabad dhameystiran oo ay ka mid tahay Shaqo Abuur, Kobcin Dhaqaale, Horumar Dhinackastaba leh oo uu gaadhsiiyo Somaliland (Xusuusta Odeygu Waa MBA waana ninka ISKAA WAX U QABSO Somalia u keeney, sida uu ku faano). Waad ogtihiin oo ninkii wax kasta oo maamulka maanta jira uu ku faani karo Illahay ka sakoow u sababta ahaa (Muj. Mudane Maxamed Xaashi Cilmi if iyo aakhira Illaahay ha u gargaaree) waa kii ka doortey Inankan Yar Ee Kibrey Ee Midiyo Tooriile (Xirsi oo uu daba fadhiyo Ina Kaahin oon xil Somaliland uu hayo la garaneyn, laakiin cid kasta ka awood badan). Wuxuu se mooday Odeygu in loo doortey; in uu il kasta oo dhaqaale oo Somaliland leedahay in uu ku xidho ama siiyo nin ay isku reer yihiin iyo In Uu Dhul boob uu reerkooda dhul aaney digin ugu boobo.

2)      Manuu Garwaaqsan in uu yahay Madaxweyne Qaran; Waayo Shirkii GAR-ADAG ayaa weli ku qufulan, laakiin in uu yahay Madaxweyne QARAN weli Muu Garan. Siilaanyo Fadlan Haloo Sheego In Uu Yahay Madaweyniihii Somaliland, Hadii Uu Rumeysan Waayana Haloogu Dhaarto. Waxa ayaan dara ah in uu Siilaanyo xataa kala xishoon waayey in aanu meel kasta Qabyaalad aanu gaadhsiin. Somaliland intii ay Qaranka aheyd, waxa hubaal ah oo ay taariikhdu qoridoontaa in Ciidankeedu ahaa, ciidan Qabyaalada aan ku dhexmilmin, oo Qaranka ay u dhaarteen uu kalaweyn yahay reerka. Waxa ayaan dara ah in uu Siilaanyo isku hortaagey arin aad ugu muhiim aheyd ciidamada Somaliland mudadii 20 ka sano aheyd ee ina dhaaftey (Darajadii Ciidamada). Marumeysan doontaa akhristoow in Siilaanyo ka horyimid go’aankii Gudidii loo xilsaarey in ay qiimeeyaan Darajada Ciidamada, oo weliba soo dhameystiraan habkii iyo cidii ku haboon darajo kasta, iyaga oo eegaya aqoonta, xirfada iyo wakhtiga uu Askarigu ku jirey ciidamada. Markii loogudbiyey ee uu arkey liiskii magacyada iyo qabiilada ay kala yihiin, wuu joojiyey, waxaanu soo macmaley liis Shirkii GAR-ADAG dabada ku haya, oo ay ku jiraan niman aan xirfad military lahayn. Aan idiin dhiibee miyuu Garwaaqsadey wixii loo doortey, mise wuu Garabmaray?

3)      Manuu Gorfeynin xilka loo igmaday, iyo dariiqa uugu haboon ee uu wax uuga qaban karo. Waxa aan ka cudurdaaranayaa in aanan ku dareyn wixii u qabsoomey maamulka Odeyga, waayo waxa u qabsoomey waxa iska lahaa shaqsi, shaqsigiina waa kii eryey. Waxa aan ka hadlayaa Kor U Qaadida Maaliya, Kordhinta Mushaharooyinka, Iskuulada Hoose Dhexe Oo Lagadhigo Bilaash, iwm. Intaas oo dhan waxa Sameeyey Muj. Maxamed Xaashi (Xirsi baan ka sugeynaa in uu aqoontiisa gaaban bedelkii Shaqadii Muj. Maxamed Xaashi inuu kula yimaado). Xirsi waa Baqashii Fardaha la Daaqdey Ee Faraska Ismoodey oo kale “BAQASHA FARDAHA LA DAAQDAA FARAS BAY ISMOODAA”. Muu Gorfeynin oo Kalshaaleiyo Buuhoodle siduu u maamuley ayaa markhaatimadoon ah, in uu xilka umada Somaliland u igmatey ku khaldayo Xilkii GAR-ADAG. Dhulbalaadhsi min Buuhoodle illaa Saaxil ayuu u tafaxeytey. Waxa ay keliftay in uu xilkii ka qaado labadii Taliye Ciidan Ee Ugu Danbeeyey mudo ka yar 3 bilood gudahood. Wax uu xilka kaga qaaday oo uu inoo sheegi karo, oo labada Taliye ay geysteen majirto. Oon Ka Aheyn in Xirsi loo diido inuu noqdo abaanduule ciidan, iyo in loo Qarameyn waayey maliishiya beeleed dhulbalaadhsiga u fulisa reerkiisa, oo diiday in ay soo maraan habka looga midnoqdo ciidan ka qaranka. Waxa Hubaal ah in General Taani taariikhdu Qori Doonto sida uu ciidanka u dhisay intii uu hayey xilka Taliye nimada Ciidan ka Qaranka Somaliland.

4)      Manuu Gudoomin xilkii loo doortey; waayo laba goor ma wada dhaaran karo Odeygu. Shirkii GAR-ADAG dhaartii uu ku soo marey ayaa markasta hor imanaysa oo ka horjoogsaneysa inuu xilkii QARAN ka u guto sidii umadu sugeysay. Qalbiga Bili’aadamka ayaa sidiisaba aan Qaadi Karin Qiiro QABIIL dabada ku haysa iyo QARAN lagu maamulo sinaan, cadaalad, iwm. Odey balan reer hortaagan tahay ayaad idina moodaysaan in uu MARXABA IYO GUDOON idin yidhi, oo codkiinii yiqiinsiiyo in uu yahay Madaxweyne QARAN oo aanu aheyn Suldaan reer. Nin Baa hore u yidhi Siilaanyo GAR-ADAG wuxuu u doontey Suldaanimo, laakiin tolkii may fahmin, markaa anigaa odhanaya Suldaan Siilaanyo. Xigmadii hadalkiisa maalintaa maanta ma idiin baxdey?

5)      Mana Geyo Kursiga ama Xilka Loo Igmaday; Illaaha Nabi Maxamed NGINKHA Sameeyey baan idinku dhaariyee ninka sifayaasha aan kor ku soo sheegay oo dhan ku sifoobey, oo aan weli kala garan karin QARAN iyo QABIIL isaga oo Da’daas ah, ma Geyaa Kursiga Madaxweyne Qaran? Ninka isaga oo soo  ahaa Agaasime iyo Wasiir Dawladii Somalia (Odey Somaliyeed ayuu noqon karaa marka halkaa laga eego), Somaliland ka soo noqdey Gudoomiyii SNM, Baarlamaanteeriyan, iyo Wasiir, ee GAR-ADAG dib uugu noqday reer, dabadeedna doorasho ku galay Tolaayeey yaa reer Sheekh Isaxaaqaay, maninkaas baa Geya Kursiga? Jawaabta aniga sida ay iila tahay waa maya; laakiin idinka iyo taariikhda ayaan u dhaafi gorfeynteeda.

Waxaan ku soo afjarayaa qormadan; umad yahay hadii halka uu Odeygu maanta idinla marayo aydaan ka GILGILAN, oo hada ayuu dhowyahee aydaan qaban, waxa Somaliland laga eegi meel fog. Dalkii waad aragtaan oo Awdal land, Khaatumo State, Salal State, iwm. Ayuu marayaa intii uu joogay. Berbera in dagaal kadhaco waxba kuma aha, waayo hantida umada in reer gooniya loomiiso yeelimaayaan umada Somaliland. Buuhoodle waad ogtihiin oo Gogol NABADEED oo aan ficil daba socon ayuu Odeygu ku celceliyaa. Madaxweyne ku xigeenka waad ogtihiin halkii arin kala gaadhay. Ciidankii iyo isagu kala dhinte. Ciidan majarihii laga lumiyey oo niyad jab ku dhacay ayaan arkaa. Markaa maxaad sugeysaan; ma inta wadanku burburayo ee Qabiil dib loogu wadanoqonayo? Sida la isugu soo kabi aad bay u adkaanaysaa hadii Siilaanyo ka yeeshaan in uu umadan dib uugu celiyo 1991-1995.

Si ay Odeyga iyo Afarta BEENAALE ee ku xeersan ee uu talada ka qaato aad ugu xaqiijisaan in aydaan raali ka ahayn sida maamulkiisu u socdo; waa in aad MUDAAHARAAD ku muujineysaan in aad ka soo horjeedaan Xilka Qaadista Dr. Muumin, Muj. Maxamed Xaashi, Agaasimihii Shaqaalaha Maxamud, iyo Qof kasta oo uu xilka ka qaaday oo dalka iyo dadkaba ugu shaqeynayey daacadnimo. Hadaad sidaa yeeliweydaan, oo taageeriweydaan cidii dalka iyo dadkaba ka naxaysa marka lagu xadgudbo, waxay noqonaysaa in kuwa idin ka naxayaa qancaan oo yidhaahdaan cidi ku taageerimeysee ha is dhibin.

Tallo ku socota milateriga Somaliland; saansaan aan fiicneyn baa muuqata, fadlan fiiro dheeraada u yeesha maamulka hada jira iyo xaalka guud ee dalka, Inta aanay tallo faraha ka baxin u gudbiya Odeyga iyo Afarta ku xeersan Digniin Ama Fariin Culus, Hadii Odeygu maqliwaayo, waxa lagama maarmaan ah in aad QASRIGA UMADA dhanged kaga soo saartaan odeyga iyo inta ku xeersan. Waa sidii ay odhan jireen reer Kulmiye xiligii Mud. Madaxweyne Riyaale.

Qormada danbe waxa aan ku soo qaadan doonaan Xidhiidhka Ka Dhexeeya Marwada Madaxweynaha iyo Xirsi (Midiyo Tooriile) oo koow ka tahay Musuqmaasaqa ragaadiyey Somaliland. Xejista Numberka reer Kulmiye yaaba isgaadhay; ma xasuusataan wixii aad ka qorijirteen Marwo Huda Barkhad?

Illaahay Nabad Ha Inagu Dhaafiyo Odeygan Iyo Inta Ku Xeersan.

Somaliland Guul iyo Gobonimo

Warsame Ducaale

wducaale@gmail.com