Sidee Warbaahinta Caalamku uga Faallootay Doorashooyinka Somaliland?

Somaliland elections 2021

Hargeysa (SLpost)- Warbaahinta caalamka ayaa maanta si weyn wax uga qortay nabadgelyadda iyo dimuqraadiyadda ay Jamhuuriyadda Somaliland uga qabsoomeen doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay warbixinno kala duwan oo laga qoray doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Telefishanka Aljazeera oo baahiyey in shacbiga Somaliland ay Isniintii maanta u dareereen doorashooyinka Wakiillada iyo Dawladaha Hoose.

Telefishanka Aljazeera wuxuu intaas ku daray inay Somaliland qabsatay doorashadii Wakiillada oo muddo ka badan toban sanno muddo dhaaftay, halka Muddo xileedka Dawladaha hoosena uu kal-dhaafay afar sannadood.

Waxa kaloo Telefishanka Aljazeera uu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay soo martiqaaday goobjoogeyaal caalami ah iyo siyaasiyiin magac leh oo ka socda dalal kale oo Afrikaan ah oo korjoogtaynaya doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka. Aljazeera waxa uu qormadiisa ku soo gabogabeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii, iyadoo ilaa xilligaas baadi-doon ugu jirta aqoonsi caalami ah, kuna naaloonaysa dawladnimo madax-bannaan, isla markaana ay ka jirto xasilooni iyo lacag u gaar ah.

Somaliland elections 2021Greg Mills oo ah Agaasimaha Koox goobjoogayaal ah oo fadhigoodu yahay Koonfur Afrika, ayaa sheegay in ay Somaliland dimuqraadiyadda iyo horumarka tusaale ugu tahay dal kasta oo Afrikaan ah oo doonaya inuu gaadho dimuqraadiyad iyo horumar.

Sidoo kale, Warsidaha African Arguments ayaa sheegay warbixin uu qoray ku sheegay in Somaliland oo muddo 30 sannadood ah aan la aqoonsani ay haddana jirto oo ay oo ay aqoonsi la’aan is-bixisay.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in aqoonsi la’aantu ay Somaliland waxtartay oo ay iskeed u gaadhay nabadgelyo, dawladnimo shaqeynaysa iyo dimuqraadiyad. Wargeys Shiine ah oo Macau Business, ayaa wax ka qoray doorashooyinka Somaliland waxaanu tilmaamay in doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka oo labaduba muddo dheer dib u dhacay saaka loo dareeray oo dadweynuhu ay u galeen sufuuf dhaadheer.

Macau Business wuxuu soo xigtay madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka oo shacbiga ku boorriyey inay si nabdoon u codeeyaan.

Waxa kaloo uu warsidahaasi tilmaamay in Daahir Axmed oo ah sarkaal Booliska ka tirsan oo ilaalinayey goob codbixineed uu u sheegay in doorashadu u dhacday si layaable oo codbixiyeyaasha qaarkood ay safka soo galeen intii aanu waaguba baryin.

Wargeyska Macau Business wuxuu sheegay in dimuqraadiyadda Somaliland si weyn uga duwan tahay Soomaaliya oo ku fashilantay inay qabsato doorasho qof iyo cod ah.

@SOLNA