Sidee Ugu Guulaystaa Doorasho? – W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi

epa000292280 A Somali Member of Parliament for the Transitional Federal Parliament for the Somali Republic cast his vote as the first round of voting began to elect a President, Sunday, 10 October 2004, in Kenya's capital Nairobi. Somali peace talks have been ongoing for almost two years in Kenya culminating in this extraordinary session of parliament held outside its own borders. EPA/STEPHEN MORRISON

64 sanno ka hor dhalashadii Nabi Ciise, wakhti xagaa ah, ayaa aftahan kii ugu waynaa sooyaal ka reer Rome isku soo sharraxay in uu qabto xil ka “Councel”, qunsul, xil kani waxa uu ahaa kii ugu sarreeyay ee laga qabto boqortooyadii Ruum, magaca nin kan aftahan ka ah waxa uu ahaa Marcus, waxa uu ka soo jeeday qoys hanti badan, aabbihiina aqoon badan ayaa uu ku tuhmaayay, goobihii falsafadda iyo aqoon ta ee dunida ayaa uu waxbarasho ugu diray; sida Giriiga.

Marcus walaal kiis oo la odhan jiray Quintus. ayaa walaal kiisu waxa uu u qoray qormo magaceedu ahaa “how to win an election”, side ayaa doorasho loogu guulaystaa, qormadan waxa markii danbe laga qoray buug isla magacaas cambaarsan.

Talooyin ka qormadaas ku qoran oo ill aminta aynu joogno ah kuwo tartame kastaa u baahanyahay in uu dheegto ka hor olole walba ayaa waxa aynu tiro ahaan ku soo koobaynaa 10, sidan ayaa ay u kala horreeyaan;

  • Hubso in aad haysato kalsoonida gurigaaga iyo garbahaaga (asxaabtaada). Daacadnimada taageerayaashu waxa ay ka bilaabmataa guryaha. Haddii aan caruurtaada ama xaaskaagu ku taageersanayn, ma noqon doonto caqabad kali ah, se waxa ay ugu muuqan doontaa codeeyayaasha in ay tahay arin xun. Dacaayadaha iyo karti xumada qof ka tartamaha ah lagu eedeeyaa waxa ay sidoo kale ka bilaabmaan guryaha iyo garbaha.
  • Is ku hareeree dad tayo ahaan aad u sarreeya, qaladaad kuna ku yaryihiin. Awood uma yeelan doontid in aad noqoto tartame iyo xil haye goob kasta iyo goor kasta shaqeeya, taga oo jooga goob kasta oo looga baahanyahay, sababtaa awgeed waa in aad yeelataa dad aad u tayo sarreeya oo ku mateli kara hawlahana sida ugu qumman u qaban kara.
  • Ku andacood xeelad kasta. Qof kasta oo aad abaal u gashay, ka codso in uu kuu abaalgudo; kuuguna abaalgudo codkiisa, qof kasta oo aanad abaal u galin iyo guud ahaan dadka kale, ku andacood in ay tahay in ay kuu codeeyaan si aad u caawiso marka aad guulaysato.
  • Yagleel xero wayn oo hoy u noqota taageerayaal badan. Marcus waxa uu ahaa nin aan ehel kiisu xilal ka qaban jirin boqortooyadii Ruum, qodob kani waxa uu si gaar ah u jidaynayaa in aanu kali ah cod ka raadin cidda uu isagu danaynaayo, ama uu u arko in uu ka helaayo, waa in uu ka raadiyo oo ka doonto cid kasta oo saamayn leh, kuwaas oo si dad ban ay ugu xidhanyihin bulsho aad u tiro badani.
  • U ballan qaad qof kasta wax kasta. Marka laga tago xaaladaha aan suurto gal ka ahayn, sida in aad ballan qaaddo in aad badda macaanaynayso, waa in aad qof walba u ballan qaaddo in aad fulinayso dooniyihiisa, ma ogaan kartid in aad u fulinayso iyo in kale, haddii aad fulin waydo waxa aad si dhib yar u xusi, in aan duruuf tu kuu saamixin in aad u fuliso (waa qodob dhaqan ahaan iyo diin ahaan Soomaalida la qaldan)
  • Xirfadaha hadal jeedin tu waa muhiim. Qof ka tartamaha ah in uu noqdo mid dad wayne badan qancin kara, waa mid u mihiim ah ololihiisa, goor kasta iyo goob kaste ba. (dunida casriga ah waxa aftahan la’aanta lagaga maarmaa, hadal qoreyaal “speech writers”)
  • Ha lumin fursad. Tartamaha dhab ta ahi ma nasto wakhtiga ololihiisa, haddi uu doonaayo waxa uu nastaa marka uu guulaysto ka dib.
  • Ogow galdaloolooyin ka qof ka kula tartamaaya, kana faa’iidayso oo ku dhaleecee. In aad ogaato qof ka cod ka kugula tartamaaya, ceebihiisa, sooyaal kiisa xun iyo dhibaatooyin ka hore ee uu soo gaystay waa mid kuu horseedi karta guul, hadii ay noqodo guul doodeed iyo mid codeed ba. Fadeexadaha qof ku soo galay waxa ay u nuglaysiiyaan in lagala wareego taageerayaashiisa, qof na ma rabo cid dad kale soo dhibtay ama isagaba dhibi ka soo gaadhay in uu madax ka dhigto. Tusaale ahaan; qof ka dumar soo xumeeyay, waxa uu u nugunyahay hadii lala wadaago dad ka in uu waayo cod badan oo dumar ah.
  • Sasabo cod bixiyayaasha si aan xishood ku jirn. Marcus waxa uu ahaa nin aan is dhuldhigu ku badnayn, qof ka tartamaha ahi waxa uu u baahanyahay in uu xushmeeyo qof kasta oo cod bixiye ah, in uu si dhab ah ula kulmo qof kasta oo cod bixin kara, una sheego in uu u baahanyahay codkiisa, waa hab dhaqan uu ku gawracanyahay musharrax kastaa.
  • Rajo gali dad ka. Si kasta oo ay suurtogal ku tahay in aad dad ka rajo u abuurto samee, joogtee inta aad ololaha ku jirto, rajo galin tu mar walba run maaha, mala’awaal ayaa ay u badantahay.

 

F.G: talooyin kan qaar kood waxa ay ka hor imaanayaan aaminaadaha diiniga ah amaba dhaqan bulsho leedahay, marka se siyaasadda la joogo waxa aad u arki doontaa si toos ah!

 

W/Q: Cabdiqani Iid Cilmi

Email: qanoeid@gmail.com