Sidee Gobolka HAWD looga Xusay Dabbaal-degga Maalinta Qaranimada Somaliland?

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd, ayaa saaka si ballaadhan looga xusay munaasibadda maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May oo maanta laga xusay dalka.

Masuuliyiinta gobolka, degmada iyo Qaybaha Bulshada kala duwan ee Balligubadle, ayaa si ballaadhan isugu soo baxay Xarunta kheyriyada ee magaalada Balligubadle oo si heer sare loo soo agaasimay, waxaana halkaas hadallo ka jeediyey masuuliyiin, madaxda dhaqanka iyo haldoorka qaybaha bulshada ee gobolka.

Muuqaalkan Hoose ka daawo Warbixin laga diyaariyey warkan