‘Sidee Ayay Ku Soo Bixi Karaan Musharxiinta Doorashooyinka Golaha Wakiiilada Ee Beelaha Gabooye?’

NEC_Somaliland_eeee002-300x297Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato, marka hore waxa aan salaamayaa dhammaan warbaahinta xorta ah ee reer somaliland iyo akhristayaasha sharafta badan iyo dhammaan bulsho weynta reer somaliland bacdal salaan, waxaan qalinka u qaatay inaan wax ka qoro ama ka idhaahdo mawduuca aan ciwaanka uga dhigay maqaalkaygan “Sidee ayay ku soo bixi karaan musharxiinta doorashooyinka golaha wakiiilada ee beelaha gabooye?” Akhristayaal waxaan wada ognahay in la soo maray doorashooyin kala duwan kana qayb galeen beelaha gabooye balse aysan ku guulaysan in ay ka mid noqdaan xildhibaanadaas kana muuqdaan golayaasha kala duwan ee qaranka

Hadaba caqabadaha hortaagan dadyowgan, Waxaa aynu ku sababayn karnaa arrimahan soo socda :-

  1. Dadkan oo aanu deegaan lahayn tuulo, degmo , gobal iyo magaalo sida dadyowga kale
  2. Deegaan ahaa ka degan gobolada xaafado cayimin oo codadkana lala qaysbado saacaduna ka dhacdo
  3. Dadkan oo aan u bislayn siyaaasadda iyo ka qaybgalka siyaasadda sida asxaabta siyaasadda dalka
  4. Iyadoo goobaha codbixintu aad iyo aad ugu yar yihiin oo goobo ku filan aanay jirin
  5. Dadkan oo dhaqaale ahaan liita haysana cid ka caawisa

Side looga gudbi karaa caqabadahan kor ku xusan

Waxay ku soo bixi karaan oo kaliya haddii arrimahan soo socda la fuliyo

  1. Iyadoo goobaha codbixinta ee xaafadaha dadkani degan yihiin loo koriyo , si dadka codka bixinayaaay u helaan wakhti ay codkooda ku dhiibtaan
  2. Maadaama aysan tuulo, degmo, gobal iyo magalo lahayn ay xukumadda , saddexda xisbi qaran , iyo komishanka doorashooyinka qaranku dib u eegaan codadka dadkan oo loo laban laabo si ay u buuxiyaan codadkii ay ka heli lahaayeen tuulo, degmo, gobal iyo magaalo maadaama oo aanay lahayn

Mar labaad waxaan baaqa dheer iyo mid gaaabanba u dirayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane axmed maxamuud siilaanyo , gudoomiyaha xisbiga ucid eng. Faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga kulmiya mudan muuse biixi maxamed, gudomiyaha xisbiga wadani mudane cabdiraxmaan cabdilaahi cirro, gudoomiyaha komishanka doorashooyinka qarank, madax dhaqmeedyada , siyaasiinta, aqoonyahanada, culumada, haweenka iyo dhalinyarada reer Somaliland sidii ay u meel marin lahaayeen qodobadan aan kor ku sheegay ee aan soo jeediyay , mar haddii la laalay Xeerka Saamiga Kuraasta Dadka laga Tirada Badanyahay iyo Haweenka, si ay u soo baxaan ugana dhexmuuqdaan golaha baarlamanka ee soo socda

 

Qalinkii: Mohamed Abdi Jamac

Email: Mohamedudoode@hotmail.com