Sidee Ayaad u Guulaysan Kartaa?

 

Waa maqaal gaaban oo ku tusaya guusha hortaada taala:

Waxaad Leedahay Doorasho Kuwajahan Naftaada. Hadaa doorato inaad guuleysato Go aansato hadafkaaga oo aad balan qaadid inaad dantaada rato waxkasta waa suura gal,Sabab too ah ilaahay ayaa kula jira.

Tuko salaad kasta waqtigeeda, filo mustaqbal wanaagsan.

Waxaad ogaataa inay gudahaaga ku jirto karti wali dihan oo ay tahay inaad ka faa’idaysato.

Waxaad leedahay qiimo aan xadidnayn, riyadaadu way kuu rumoobikartaa.

Waad gaadhi kartaa wax kasta oo aad dadaal iyo dulqaad umuujiso.

Hadaba hadaad rabto inaad guulaysato, Ama aad dhaafto khayrkaa, Ku dhaqan qodobadan waliba si cilmiyaysan.

  1. Wax baro halka kuwa kale ay wahsanayaan.
  2. Tuko inta ay hurdaan.
  3. Xushmee dadka halka ay xanta wadaan
  4. Qorshe samayso halka ay kuwa kale qayilayaan.
  5. Is diyaari inta ay kuwa kale dib isu dhigayaan.
  6. Caawi dadka inta ay cay iyo gef ku danseegayaan.
  7. Dhoola cadee halka ay kuwo kale dudsanyihiin.
  8. Bilaw inta ay iska raaxaysanayaan. (nasanayaan).
  9. Dhagayso halka ay kuwa kale doodayaan.
  10. Hore u soco inta uu caajisku kujiro kuwa kale

Sidaa darteed, dooro inaad, waynayso aragtidaada, kordhiso kalsoonidaada,

Soona jiidato wanaaga hareerahaaga yaala, kafaaidayso fursadaha faa iidada leh ee kusoo mara.

Hore u tallaabsato maalin kasta, Isu diyaari guushaada

Aamin naftaada, samayso qorshe waxqabad, oo suaal wixii aanad garanayn dadka.

Kafogow wixii xumaan iyo negative ah, waqtigaagana haku lumin kuwa nacaynbku kabuuxo.

Joogtee inaad samayso wanaag iyo wixii khayr u leh umadda, iyo naftaadaba.

Nolosha aduunyo way gaabantahay, ha ilaabin inaad go’aansato hadafkaaga iyo waxaad rabto,

Kuna dhaqaado himiladaad wixii intaa kazoo hadhana aad iska dhaafto.

Intaa hadaad samayso guushu gacmahaaga ayay ku jirtaa.

 

By: Mustafe Saleban Muxumed (Mustafe Burcaawi)

Msaleebaan01@hotmail.com

Address: 00252-63-4036944/00252-65-9304841