Sidee Ajar loo Shaqaysan Karaa adoo Hurda Furaashkaaga?

Dad badan ayaa waxa ay u maleeyaan in ay hurdadu tahay geeri kaliya, oo u qofku haba yaraatee wax hawl ah qaban karin inta uu hurdo, xaqiiqduna way ka gaddisan tahay sidaas waayo Islamku waa diinta kaliya ee uu qofku ajar ka helayo saacadaha maalintii iyo kuwa habeenkiiba dhamaan, hadii uu hurdo iyo hadii kaleba, waa diinta kaliya ee adoonka ku xidha Ilaaha abuurtay saacad kaste, hadii uu wax cunayo, hadii uu dhar xidhanayo, hadii uu guriga ka baxayo iyo hadii uu hurdoba.

Mid kastaaba waxa uu leeyahay duco gaar ah oo ay tahay inuu qofku idhaahdo, xataa marka uu hurdo.

U niyee saacadaha yar eed hurudid in aad u nasanaysid sidii aad iskaga dul qaadi lahayd hawshii iyo daalkii kaasoo gaadhay maalinta, iyo si aad usii wadatid cibaadada uu Allah kugu faral yeelay, waayo qofka wayso qaata, salaatu layl tukada, isla markaasna subaxii ooga hore salaada u kaca Allahna xusa marka uu firaashkiisa tago waxa uu ka dhigan yahay qof cibaado ku jiray oo kale.

Akhri ducooyinka iyo adkaarta hurdada adiga oo macnahooda u fiirsanaya.

U niyee waysada aad wayso qaadanayso sidii aad ugu seexan lahayd dahaaro, sidaas hadaad yeeshona waxaad waqtigaad huruday ku qaadatay cibaado, Allah ha kuugu daro miisaanka xasanaadka e.

Gabagabo: Hawl kaste oo xalaal ah ood qabanaysid, hadii aad Allah dartii ula niyooto waxaad leedahay ajarkeeda…Waxa uu nabigeenii suubanaa NNKH yidhi:”Camalladu inkale maahee waa niyada, qofkastaana waa wixii uu niyaystay…”

By Farxaan Cilmi Caalin (f.jeesto)