“Siday xukuumaddani ugu Dhiirratay Inay ciidamada Derejo siisay ayey ugu dhiirran tahay inay Amar siiso, idinkuna…” – Wasiir Cukuse

cukuseHargeya (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacgelinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa hadlay muranka iyo isqabsiga ka dhex-aloosan Saxaafadda Madaxa-bannaan iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu ka tirsan yahay.

Wasiir Cukuse waxa uu ku dooday inay xukuumad ahaan abaal lama ilaawaan ah u galeen Saxaafadda madaxa-bannaan, una ogolaadeen xorriyad dheeri ah, isaga oo taas ku micneeyey mid ka shidaal-qaadanaysa wada-shaqayntii ka dhaxaysay xilligii ay mucaaradka ahaayeen, isaga oo hadalkaas ku difaacaya kaalintii ay saxaafadda madaxa-bannaan ku taageeri jirtay xukuumada Kulmiye wakhtigaas..

Md Cukuse oo maanta ka hadlay kulan lagu naaqishayey caqadaha ku gedaaman saxaafadda madaxa-bannaan iyo sidii Xal wax ku-ool ah looga gaadhi lahaa, waxa uu sheegay inay jiraan duruufo la deris ah warbaahinta madaxa-bannaan oo keenaya is-faham la’aan uu sheegay inay dhibaatooyin badan keenikarto oo u dhexeeya saxaafadda iyo xukuumadda, isla markaana u baahan inay labadoodu isla qaataan wax laysla oggol yahay.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Baahida in la isku dhaco keenaysa ee Qalqaalinimadiina-na fara badinaysaa waa  baahi sharci, waxaana Maskaxdiina ku jirta xukuumaddani kuwii hore way ka dhiirran tahay,  waana run oo way ka dhiirran tahay, waayo xukuumaddii hore kumay dhiirran inay Ciidamada derejo siiso, markaa siday xukuumaddani ugu dhiirratay ciidamada derejada siisay, ayey ugu dhiirran tahay inay  Amar siiso, idinkuna inaad dhiidhiibsataan baa loo Baahan yahay.”

Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Saxaafadda madaxa-bannaani Dawladda Kulmiye abaal bay u sheegataa, laakiin anaguna saxaafadda Abaal badan baanu u sheeganaa oo qalqaalinimo iyo inay durduriyaan baanu ka Ogolaanay, waliba waanu sii jeedsanaa oo waxaanu nidhaahnaa waydinkii berigii la ogolaaye maantana ka yar daaya. Xukuumaddani inay Katiinad soo qaadato, waxay ka horraysiisaa ergooyin madaxdiina saxaafadu galaan oo haddii nalaga soo diidana waxanu nidhaahnaa waa ayaan-darro, haddii kalena waanu aqbalnaa.”

Wasiir Cukuse waxa uu ka hadlay sida uu u arko xayiraadda Xukuumadda uu ka tirsan yahay ku soo rogtay Wargeyska Haatuf, “Anigu Haatuf in la Xidho kuma Faraxsani, sidoo kale Haatuf 15-cisho oo isku xiga inay Nin aan Dalkaba u shaqayn subax walba inay maagto raalli kama ihi, Yuusuf Cabdi Gaboobe-na saaxiib baanu nahay, laakiin kuma raacsanin inuu iska maago Baashe, waana muwaadin caadi ah oo inuu noolaado Xaq u leh. Waxay Haatuf u haysataa inuu Baashe xidhay dalkana ma Joogo, Cali warancadde iyo wasiirrada kale ee Jariiradu maagaysay ayaa dacweeyey. Inay sidaas  wax u dhacaanna kuma faraxsani,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

SOMALILANDPOST.NET