Weriye: CabdiKariiim Muxumed Cadde (Qaamuus) – Tog-Wajaale
Tog-wajaale waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu guunsan amaba ugu faca weyn gebi ahaan magaalooyinka ku yaala gayiga Soomaalidu dagto.waxayna magaalada tog-wajaale soo jirtay waayo badan oo waagii baryaaba waayihiisa lahaa,wakhti xaadirkana waxaa ku yaala suuq ganacsi oo ka mid ah suuqyada ganacsi ee ugu waawayn geeska afrika,suuqaasi oo ay ka adeegtaan guud ahaan qoomiyadaha ku dhaqan wadamada geeska afrika.Waxaana lagu naanaysaa hada magaalada tog-wajaale dubia,da Somaliland iyo dekada qalalan.
Inkastoo ganacsiga ka socda magaalada tog-wajaale haatan uu marayo heer aad u sareeya,oo ay tahay horyaalka ganacsiga wadanka,hadana siduu u hanaqaadey ganacsiga tog-wajaale uma horumarsana hab-nololeedka magaaladu,Oo halka ganacsi ahaan magaalada tog-wajaale hawaysanayso inay hormood u noqoto ganacsiga geeska afrika dhanka nolosha markaad eegto hab-nololeedka iyo hoyga qoysaska ku dhaqan lamay jaan-qaadin tadawarka ganacsi wax badana kama duwana muuqaalkooda nololeed waayadii hore ee magaaladan tog wajaale lagu magacaabi jirey,garoonka,laanta-curdinka,iyo berri samaadkii . maxaa yeelay dergadihii waxaa lagu bedalay aqalo bee-bee loogu yeedho,laba-deryaalihiina waxa lagu bedalay faransaawi oo ah aqal jiingad ka samaysan hasayeeshee wali dayrkii guryaha wajaale waa oodii .
Suuqyada ganacsi ee ka furan gudaha magaalada tog-wajaale oo ah kuwa aad u camiran ayaa ah kuwo adeegoodu u gaar yahay ajaanibka iyo dadka kale ee ka imanaya magaalooyinka waawayn ee dalaka,balse waxaanu suuqyadani saamayn sidaasa ku lahayn isla markaana aan ku jirin liisaska dalabaadka suuqyada bulshada deegaanka oo u badan beeralay ku teedsan nawaaxiga magaalada,hadaad u fiirsatana kaliya waxay indhahaagu qabanayaan qaar sita alaabo u badan electronic sida moobilo ama tooshash,hasayeeshee ma arkaysid qof kaliya oo ka soo iibsadey suuqa magaalada alaab uu u isticmaalo farsamooyinka nololeed ee deegaanka.
Inta badan Ganacsatada meheradaha ku haysta suuqyada magaaladu waa wada solane kaligii ku nool tog-wajaale halka qoyskiisuna deganyahay magaalooyinka kale sida Jig-jiga, Gabiley, Borame, Hargaysa, Burco iyo qaar kaloo badan. Waxayna u muuqdaan ganacsato degan meel ay si ku meel gaadh ah ugu ganacsanayaan oo aan mudad uun garanayne balse geedi ah.
Sidoo kale asal ahaan dadkii ku noolaan jiray magaalada ayaa iyaguna noqdey kiro ku nool degan magaalooyinka kale oo badankoodu u guuray caasimada hargaysa taasi oo ay sabab u tahay magaalada tog-wajaale oo gabi ahaan ka aradan adeegyadii bulsho ha ugu darnaadaan caafimaadka iyo biyuhuye.
Dhakhtar la’aanta,iyo biyo la,aanta waxaa u dheer saxo xumo iyo nadaafada magaalada oo aad u liidata goobtaad martaba waxaad arkaysaa xashiish iyo baco wax ku jiraan oo tuulan,hasayeeshee waxaa ugu sii daran markaad aragto goobtii hilibkii iyo xashiishkii magaalada oo is barkan,waxaana isku hal meel ku yaala magaalada tog-wajaale kawaanka iyo goobta xashiishka taasi oo hadaan laga gurman waxyeelo aan laga soo waaqsan gaadhsiin doonta caafimaadka guud ee bulshada.
Sikastaba ha ahaatee, markaad isku soo duubto, isma laha aduunka iyo alaabta taala iyo araga magaalada tog-wajaale,dhanka kale ma laha dhaxantii iyo qabowgii darnaa ee looga bartay wakhtiyadan oo kale jiilaalka magaalada tog-wajaale, taasi oo loo aanaynayo inay saamayn ku yeelatay isbedalka cimillada adduunka .
Weriye: CabdiKariiim Muxumed Cadde (Qaamuus)
Tog-Wajaale, Somaliland