Sicir-bararka iyo Sarifka

Waaydan dambe waxaa aad ukordhay sixirbararka kaas oo saamayn badan kuyeeshay shacabka guud ahaan gaar ahaana dadka saboolka ah ee Somaliland kaas oo aan ilaa hadda loo helin xal lagu fardaamin karo maalinbana maalinta kadambaysa alaabooyinka wuxuunbaa kusii kordhaayaa taas oo mar hadii ay wax ku kordhaan aan soo noqosho lahayn in waxkale kusii kordhaan mooyaanee.

Sidaas awgeed waxaa loo baahan yahay in dawlada iyo masuuliyiinta hawshan loo igmaday ay waxkaqabtaan inta ay goori goor tahay iyaga oo u adeegsanaaya khibrad iyo awoodba sidii waxyaabaha la iibiyaa ay wax macquula ama suura gal unoqon lahaayeen loolanana xisaabtamo dadka ganacsada ah ah ee alaabooyinka keena dabadeedna siday doonaan u iibiya.

Qodobka labaad ee aan ka hadlayaaa waa sarifka oo sidaan lawada socono aad kor ugu kacay mudooyinkii ugu dambeeyay kaas oo faraha ka baxay meel aan lafilayna gaadhay taas oo sababteeda ay leeyihiin gancsaytada iyo shirkaduhuba, maalinbana ay sixir gaara ugooyaan halkii ay ahyd in dawlada iyo baankuba sarifka fadhiisiyaan lana socdaan dhaq dhaqaaqiisa iyo sidii loo horumarin lahaa lacagta Somaliland.

Wadan walabana wuxuu ku horumaray qiimaha uu lacgtiisa uyeelay taas oo hadii lacaga kale ay yimaadaan sida doolar ama qaar kaleba laga horumariyo ta dalku leeyahay taa badalkeeda inagu waxaan kahorumarinay lacagteenii lagacaha kale ee ajanabiga sida doolarka iyo birta taas oo aad arkayso in suuqyadeenii shay kasta oo lagu iibinaayo doolar yahay halkii Somaliland shilling lagu iibin lahaa taas oo hoos udhigtay qiimihii lacagteenii sababtayna in uu kor ukaco doolarkii dhanka kalena uu sixir bararakii aan hore uga soo hadalnay daba socdo.

Guntii iyo gabagabdii waxaa loo baahan yahay in dawlad iyo shacaba sidii layskaga kaashan lahaa loogana wada shaqayn lahaa si ay xeegagana xeego unoqoto ilkana unabd galaan oo laysu waafajiyo sixirka iyo sarifka iskula jaan qaadaan.

Qore : mukhtar Hassan Hersi (cudad)

Email :cudad40@hotmail.com