Shuruudaha looga Baahan yahay Murashaxiinta u tartamaysa Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland

 

Muddo 100 maalmood ah, ayaa ka hadhsan wakhtiga loo qorsheeyey in ay dalka ka qabsoonto doorashooyinka muddo dhaafay ee Wakiillada iyo deegaanka, oo la filayo in ay dhacaan 31 bisha May oo maanta 100 maalmood oo keliya innaga xigaan.

Xisbiyada iyo beelaha ayaa ku mashquulsan kala saarida Murrashaxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyada oo maalmihii u dambeeyey Xisbiyadu aqbaleen murrashaxiin reerahoodu u gudbiyeen Xisbiyada.

Komishanka Doorashooyinka, ayaa soo saaray Shuruudaha looga baahan yahay Murrashaxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaas oo Xeerka guud ee doorashooyinku waajibiyey in ay buuxiyaan xubnaha tartamaya.

Shuruudahan komishanku soo bandhigeen ayaa ah kuwan hoos ku qoran:-