Shirweynihii Guurtida ee Walaalaynta Beelaha Woqooyi ee Burco, 1991kii: – Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

burcoSi aynaan ugu muuqan dad dhinac ka rarnaa, aynu ku noqonno Burco. Magaalada Burco laba shir ayaa ku qorshaysnaa:

  • Ka hore waxa lahaa Guurtida oo wuxu ku suntanaa Shirweynaha Walaalaynta Beelaha Woqooyi,
  • Kan labaadna wuxu ahaa Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM,

Waxaad had iyo goor maqashaan ama akhridaanba in Shirweynahan Guurtida ee Burco ahaa kii koowaad. Arrintaasi waa mid aan waxba ka jirin. Meey 1991kii markii Burco lagu shirayay Guurtidu ma ay ahayn hay’ad sharci-dejineed, xilkaa waxa hayay Golihii Dhexe ee SNM. Guurtidu beryahaa waxay ahayd gole la-talineed oo aan lahayn awood ay sharci ku dejiyaan; sidaas ayaanu Shirweynahaasi u noqonayn kii koowaad ee Guurtida. Tirsiga koowaad ee Guurtidu wuxu ka bilaabmayaa kii Boorame oo Guurtidu noqotay hay’ad sharci-dejineed markii uu Golihii Dhexe ee SNM meesha ka baxay.

Labada shir waxa lagu horreeyay Shirweynihii Walaaleynta Beelaha Woqooyi oo astaan looga dhigay laba gacmood oo isa salaamaya. Sababaha Shirweynahan loogu horreeyay waxa ugu mudnaa in talooyinka ka soo baxa lagu go’aamiyo Kal-fadhiga 2aad ee Golaha Dhexe ee SNM oo la qorsheeyay in uu ka danbeeyo Shirweynahan. Si aan sheeko dheer idiin ku soo gaabiyo, Shirweynahaa Walaaleynta Beelaha Woqooyi oo ay ka soo qayb galeen foolaadka madax-dhaqameedkii dalka markaa ku sugnaa oo gobollada iyo Beelaha oo dhan iskaga yimid, wuxu furmay 5/5/1991kii, waxaanu socday dhowr maalmood. Gorfayn iyo falanqayn badan ka dib, waxa lagu gaadhay talooyin ay ugu mudnayd in Gobollada Woqooyi gaar isu taagaan. In kasta oo uu qodobkaasi sidaa u qornaa, haddana waxaanu shaki ku jirin in looga gol lahaa Madaxbannaani aan markaa daaha laga qaadin qaabka ay yeelaynayso.

In kasta oo uu Shirweynahani u gaar ahaa Beelaha Woqooyi, haddana meesha kama ay madhnayn wada-tashiga iyo fikirka oo la is-dhaafsado madaxdii iyo xubnihii ka tirsanaa hay’adihii hoggaaminta ee SNM oo uu hormood u ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali. Waxa xusid iyo in aan hoosta ka xarriiqo mudan in markii Aadan Maxamed Diiriye (Baradho) qodobbadaa lixda ah akhriyay, ay Mujaahidiintii SNM ee goobta joogtay soo jeediyeen in lagu daro Qodob toddobaad oo ka hadlaya in mudnaan gaar ah la siiyo halgamayaashii SNM marka shaqooyinka la bixinayo isla markaana la qoro taariikhdii dhaxal-galka ahayd ee halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran, taas oo sacab iyo reyn-reyn lagu soo dhaweeyay lana guddoonsaday in talo-bixintii Shirweynaha lagu daro.

Talooyinkii Shirweynihii Guurtida:

Talooyinkii Shirweynahaasi oo hal bog ka koobnaa waxay u qornaayeen sidan:

“Shirka Aayo-ka-talinta Beelaha Woqooyi oo ay isugu yimaaddeen Guurtida iyo Suldaammada, Guurtida iyo Odayaasha wax-garadka ah ee Beelaha Woqooyi oo maanta lagu qabtay magaalada Burco, waxa la isku raacay Qodobbadan hoos ku qoran:

  1. In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur,
  2. In lagu dhaqmo shareecadda Islaamka,
  3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi,
  4. In si dhakhso ah loo dhiso Dawlad Woqooyi,
  5. In Golayaasha Ururka iyo Dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi,
  1. Arrinta Nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax loogu qabto oo Guddi loo saaro,                                                                             5/5/1991kii, Burco.

Iyo Qodobka toddobaad oo ahaa kii ay Mujaahidiintu soo jeedisay oo la xidhiidhay amaba ku taxnaaba in Mujaahidiinta qaddarinta iyo mudnaantaba la siiyo marka shaqooyinka la bixinayo oo la oggolaaday.

Markii uu xidhmay Shirweynihii Walaaleynta Beelaha Woqooyi ee Guurtidu, waxa markiiba ka furmay magaalada Burco Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM oo muddaysnaa, ka-sokow in waayaha iyo duruufta markaa taagnayd qasbaysay in uu Kal-fadhigaasi qabsoomo maa daama qaybtii hore ee dibuxoreynta qaran dhammaatay oo dalkii la xoreeyay.

Kal-fadhigan 2aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM wuxu is-hor-dhigay Ajende ka tarjumayay xaaladdii markaa taagnayd. Ajendahaa waxa ka mid ahaa qodobbadii laga soo jeediyay Shirweynihii Walaaleynta Beelaha Woqooyi oo u baahnaa in la sharciyeeyo. Qodobbadaasi meel dhexe ayay ka galeen Ajendaha, maa daama sida uu dhaqanku ahaa Ajendayaasha Kal-fadhiyadu ku bilaabmi jireen warbixinaha Hay’adaha Hoggaaminta ee Ururka SNM. Si caadiya ayuu Kal-fadhigu hawlihiisa u watay in kasta oo culays badani kaga imanayay Guurtidii qodobbadan soo jeedisay, dadweynaha iyo Mujaahidiinta qaarkoodba. Halhayska ama halkudhegga ayaa ahaa in lala soo noqdo Madaxbannaanidii Gobollada Woqooyiga ee 1960kii.

Aniga oo jecel in aan mar aan immika ahayn waqti intan ka badan ku qaato mowduucan, waxa kale oo aan jcelahay in aan si sar-ka-xaadis ah idiin ku dul maro kol haddaan soo qaaday. Tan iyo maalintii dhidibbada loo taagay SNM, 6dii Abriil 1981kii iyo waqtiyo ka horreeyayba, waxa jiray hadaaq ahaa in dib loola soo noqdo madaxbannaanidii 26kii Juun ee 1960kii. Arrintani waxay ahayd mid aan lala baqan ee si badheedh ah looga doodo oo fagaarayaal badan timid, in kasta oo aanay si rasmiya u soo gelin Ajendayaasha Golayaasha Hoggaaminta ee SNM marnaba. Haddii laga tegi waayo Shirweynihii 6aad ee SNM ayay doodda soo gashay in kasta oo aanay qodob Ajende ah ahayn.

Rasmi ahaan arrintani marnaba uma ay soo gelin Dokumentigii aasaasiga ahaa ee SNM oo ahaa Dastuurka iyo Barnaamajka Siyaasiga ah. Taa macnaheedu ma aha in ay dadka SNM ka tirsanaa ama taageersanaa sidaa wada aamminsanaayeen. Xaqiiqada dhabta ah ee jirtay ee taa ka soo hor jeedday waxay ahayd in xubnaha SNM iyo inta taageertaaba aamminsanayd kuna hawl-gashay in dibuxoreynta qaran ka dib, gobollada Woqooyi lagu soo dabbaalo madax-bannaanidii 26kii Juun 1960kii, taas oo macnaheedu ahaa in lagu dhawaaqo dhidibbadana loo taago maamul xor ah oo ka madaxbannaan Soomaaliya. Labadaa arrimoodba waxay ahaayeen laba si dhab ah u wada jira oo is-barbar yaallay.  Wax denbi ahi igu raaci maayaan haddii aan idhaahdo dadkii SNM ka tirsanaa ama taageersanaa 98% wax ka badan ayaa aamminsanaa in gebegebada halganka hubeysan ee dibuxoreynta qaran lagu dhawaaqo maamul ka madax-bannaan Muqdisho.

Intaa haddii aan gogol-xaadh idiin ka dhigo, Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM isaga oo hawlihiisii ku dhex jira, ayaa olole habaysan oo dadweyne lagu soo qaaday iyada oo Kal-fadhiga culays lagu saarayo in qodobbadii soo-jeedinta ahaa ee Guurtida, gaar ahaan qodobkii ku saabsanaa maamulka madax-bannaan la soo hor mariyo oo la sharciyeeyo. Galabtaa xiisad halkaa ka abuurantay ayaa keentay in Qodobbadii soo-jeedinta ahaa ee Guurtida hore loo soo dhigo. Sidaa ayaa galabnimadii 18kii Meey ee 1991kii Cabdiraxmaan Axmed Cali Kal-fadhigii Golaha Dhexe kaga dhawaaqay in maamul madax-bannaan loo samayn doono dalka, arrintaas oo markii cabbaar la gorfeeyay Kal-fadhigii 2aad go’aansaday in lala soo noqdo madax-bannaanidii 26kii Juun 1960kii, dalkana lagu celiyo xaaladdii sharciyeed ee 26kii Juun 1960kii. Go’aan-qaadashadaa waxa ka dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, Dhismihii Xukuumadda iyo Go’aammadii kale ee Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe.

Magacyadii Jamhuuriyadda cusub loo soo jeediyay, waxay kala ahaayeen: Somaliland iyo Puntland, waxaanu codkii u batay Somaliland.

Soo-jeedintaa Shirweynihii Walaalaynta Beelaha Woqooyi waxa saxeexay 19 Odey (Madax-dhaqameed) oo u kala socday Somaliland oo dhan.

(Dhammaad)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaalecankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com