Shirweyne ay isugu yimaaddeen Ururka Shaybaadhayaasha Somaliland oo Go’aamo laga soo saaray

Hargeysa (SLpost)- Shirweynahii saddexaad ee ururka Sheybaadhlayaasha Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargaysa iyadoo ay ka qayb qaadanayaan guud ahaan shaybaadhlayaasha Caafimaadka Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland.

Shirweynaha oo ay ka soo qayb galeen wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka ee JSL Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Gudoomiyaha Jaamacadda Golis, Madaxa Nurse-ka Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana ugu horreyn ka hadlay Gudoomiyaha ururka Sheybaadhlayaasha Somaliland Md Maxamed Xasan Xaashi oo faahfaahin ka bixiyey waxyaabahii ururku sida wada jirka ah ugu tallaabsaday, isagoo u mahadceliyey hay’adaha samafalka qaarkood oo dhinaca tababarada ka caawiyey ururkaasi iyo weliba fursado uu ururka shaybaadhlayaashu ku hirgeliyey inay labo xarumood ka sameeyaan Dhakhtarka weyn ee Caasimadda.

Md Xaashi waxa uu sheegay in faa’iidooyin badan laga helay abuuritaankii ururkan shaybaadhlayaasha, sida is dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta dhexdooda taalla iyo sidii tababaro loo siin lahaa sheybaadhlayaasha dalka gaar ahaan G/maroodijeex.

Doctor Xuseen Yaasiin oo ah hormuudka kulliyadda Caafimaadka ee  Jaamacadda Golis oo qabashada shirweynaha ay iska kaashadeen ururka oo isna kulanka shirweynaha ka hadlaya ayaa ku dhiirriyey ururka ay ku midaysan yihiin shaybaadhlayaasha Somaliland in looga fadhiyo inay ka shaqeeyaan danaha dalka iyo dadka isla markaana horumariyaan danahooda gaarka ah, waxana uu arin muhiim ah ku tilmaamay in ururku aanu noqonin mid magac uun ah laakiin waa inuu noqdaa mid hirgeliya isku xidhnaanshaha sheybaadhlayaasha Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo la hadashay ka soo qayb galayaasha shirweynaha ayaa waxay sheegtay in sheybaadhlayaashu maanta yihiin dhalinyaradii aqoonta lahayd ee dalkan u soo kacaysay loogana baahan yahay inay buuxiyaan kaalintii helitaanka caafimaadka ee bulshada maadaama qofka bani’aadamka ahi uu hammiyi karo ama wax qabsan karo oo  keliya marka uu caafimaad qabo.

Marwo Nimco Xuseen waxay kula daradaarantay ka soo qayb galayaasha inaanay isku hallaynin jaamacadihii ay ka soo baxeen laakiin ay aqoontooda si maalinle ah u korodhsadaan lana jaanqaadin culuunta sida degdega ah isaga dabo imanaysa.

Gudoomiyaha ururka Umulisooyinka Somaliland Marwo Foosiya Maxamed iyo Dr Cabdiraxmaan cabdilaahi oo ka tirsan Dhakhtarka weyn ee Caasimadda ayaa iyaguna kelmado qiimo leh u jeediyey xubnahii ururka shaybaadhlayaasha ee shirweynaha fadhiyey iyo dadkii kale ee goobjoogaka ahaaba.

Shirkan weynahan waxa lagu doortay Gudoomiyaha Ururka Shaybaadhayaasha ee Somaliland Khadar Ibraahin Maxamed iyo Ku xigeenkiisa Cali Axmed Cali.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland