Shirweynaha Sideedaad ee Deegaanka Geeska Afrika oo Hargeysa ka Furmay

Hargeysa(SLpost)– Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somalialnd Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylaci ayaa maanta furay shirweynaha sideedaad ee ilaalinta deegaanka Geeska Afrika oo sanadkasta lagu qabto dal ka mid ah geeska Afrika oo sanadkan lagu qabtay waddanka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa.

Waxa kulanka soo qabanqaabiyay oo Somaliland ku martigaliye ururka  Maxalliga ah ee Barwaaqo Voluntary Organization [BVO], oo kaashanaya Dalladda isku xidhka degaanka ee geeska Africa(Horn of Africa Regional Environmental Network,) oo Shirkan leh.

shir5

Waa markii ugu horaysay ee shirkan Somaliland lagu qabto. Shirkan oo bilaabmay maanta oo saddexda bisha Noofambar ah ayaa waxa uu socon doonaa ilaa lixda bishan, waxaana diiradda lagu saari doonaa waxyaabaha dhibaatada ku keeni kara deegaanka.

Kulankan waxaa ka qayb qaadanaya xubno ka kala yimid dhammaan wadamada geeska Afrika, ka qaybgalayaasha ayaa gaadhayaa ilaa 120, oo u badan aqoonyahanno ku xeeldheer deegaanka iyo cilmibaadhista.

waxyaabaha ugu weyn ee shirka lagaga hadli doono ayaa ah siyaabaha lagaga hortegi karo waxyaabaha deegaanka wax u dhima sida geedaha oo la gooyo, duur-joogta oo la qabto ama la dilo ama la dhoofiyaba, biyo la’aanta, iyo waxyaabaha sababa abaarta.

Ugu horay Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulankani wax weyn ka tari doono dhawrista degaanka Somaliland. Waxa uu sheegay in xukumaddu dedaallo ka gaysato ilaalinta degaanka,  kuwaasi oo ay ka mid tahay mamnuucidda Bacaha oo degaanka u darraa. Madaxweynuhu waxa uu bulshada Somaliland ugu bushaareeyay in imika la jabiyey gaaska la shito oo ay bulshadu ku heli karto qiime jaban si loo horumariyo deegaanka loona ilaaliyo dhirta dhuxusha laga shito.

shir4Waxa sidoo kale furitaankii shirka ka hadashay Gudoomiyaha ururka BVO Marwo Khadra Cumar, waxaanay soo dhawayn iyo mahadcelin u jeedisay wufuuda meelaha kala duwan ka timid ee shirkaasi ka qayb qaadanaya. Waxay sheegtay inay rajaynayso in waxyaabo degaanka xal u noqda oo muhiim ahi ka soo bixi doonaan gabogabada kulankan.

shir2

Gudoomiyaha Dalladda Deegaanka iyo Isku xidhka ee Geeska Afrika Dr. Mucaawiye Shadaad oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu soo dhawaynta qiimaha badan ugu mahadceliyay waddanka Somaliland, Isaga oo sheegay in uu shirweynaha Sideedaad ee sanadkan Somaliland lagu maamuusay oo ay nasiib u heshay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isna furitaanka shirka ka hadlay waxa uu sheegay in shir3shirkani muhiim u yahay mandaqada geeska Africa “shirkani waxa uu muhiimadd-weyn u leeyahay Geeska Africa oo dhan gaar ahaan Somaliland oo boqolkiiba sideetan (80%) ah dad xoolo dhaqato ah,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka Deegaanka Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa ka qaybqaatay fadhiga koowaad ee shirkan. Fadhiga Labaad ayaa isaguna waxa isugu yimid dhammaan jaamacaddaha matalaya dalalka geeska Afrika ee xukuumiga ah iyaga oo falanqeeyay doorka ay jaamacaduhu ku leeyihiin maamulida iyo ilaalinta deegaanka.

Kala Soco Dhammaan qaybaha iyo sida uu shirkani u socdo Somalilanspost markasta.